Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Baaq Talo oo ku wajahan ururo iyo xisbiyada cusub ee Puntland

 

Ku: Xukuumadda Puntland

Ku: madaxda urur xisbiyeedyada cusub ee Puntland

Og: Qurba joogta & Qaybaha kala duwan ee Bulshada Puntland

 

Walaalayaal sidaan ogsoonahayba waxaa caado u  noqotay  bulsha soomaaliyeed guud ahaan  inay ka  wahsadaan amaba aysan u dhaqaaqin sidii ay u samayn lahaayeen  ka hortag masiibooyinka siyaasadeed, amaba u xalin lahaayeen inta arimuhu aysan gaarin meel ay adag tahay xal u helideedu waxaa jirta xikmad oranaysa dhididkaaga hore dhiigaaga dambuu baajiyaa, hadii aan  cibro qaadanayno inaguma yara dhacdooyin iyo taariikho u sansaan eg  xaaladaha aynaan odorosayn  ee muuqaalkoodu uusan qarsoonayn,ee ah in dad yar  indheer ma garato ahi rabaan inay 

Puntland ugu ridaan ceel aan dowlis lahayn , illaah  waxaan ka rajaynaynaa inuusan sida cadawga Puntland   damacsan yihiin aysan noqon, Puntland dadkeeda kuma yara waxgarad, cuqaal, wadaniyiin, ciidammo culimo, aqoonyahano xalin kara mashaakilaadkooda  ka soo horjeedsan kara xumaha inta uusan baadilku  uusan xaq noqon, hadaba halkaan waxaan rabaa inaan hurdada ka kiciyo caqliyadaas, ama xoogaga samaha ee reer puntland inayan  dab damis noqone marka horeba taraqa iyo gaaska kala fogeeyaan.

 

1         Waxaan halkaan talo gaara  ugu soo jeedinayaa madaxda iyo xoogaga urur xisbiyeedyada ugubka ah ee Puntland  talooyinkaas  oo ah :

 

2 )marka hore mahad balaaran baan u soo jeedinaynaa ururxisbiyeedyada iyo mada

xdoodaba maadaama ay ku dhiiradeen ayna fahmeen in uusan xal waaraya umadeena u ahayn  habkii qabaliga ahaa ee Puntland ku dhaqmaysay tan iyo markii puntland dhidibada loo taagay  inkastoo uu waqtigiisii lagu soo baraaray hadana ay tahay waqtigii  shacabku wax xukumi lahaayeen  ee uusan wax dooran doonin  dad tiro yar oo xaamilu sowt ah , dad badanina ay dulmi ku qabeen ama ay tirsanayeen

 

3)  waxaan u soo jeedinayaa inaysan ururadu furid urur   kaliya ku ekaan ee waa inay hadaba bilaabaan kana shaqeeyaan wacyi gelinta bulshada ee nabada iyo dimoqraadiyada ayagoo markasta la tashanaya xukuumada puntland  kalana shaqeeyaan dowlada dhisida maxkamada dastuurigaa iyo howlaha kale ee xukuumada horyaal  sida tirokoobta, democratization ka IWM  waa in ayagu qabtaan ama  shirar wacyi galineed,ku saabsan dhowrista nabadgelyada, ka shaqaynta horumarinta siyaasada puntland,  faaiidada  dimoqraadiyada diinteena waafaqsan,    maadaama ayaga loo ogolyahay inay howlahooda  siyaasadeed  bilaabaan shiri karaana markay buuxiyaan shuruudihii looga baahnaa, iyo waqtiga loo asteeyey   ma lihi ha bilaabeen compaign siyaasadeed ee waa waa inay aamusiyaan qolyaha ku howlan ama wax u dhimaya sumcada sharafta iyo magaca puntland bulshada caalamkana ka gadaan hanaanka xisbiyada badan ee puntland  cagta saartay  waa inay  ka feejignaanaya in lagaga faaiideysto ama la isticmaalo magacyada  urur xisbiyadooda, oo ka bibna nabada khalkhal la geliyo.

 

4)  waa inay tusaan ama muujiyaan  inay ayagu u  yihiin islaaxiyaal  ( constructive )  ama badiilka mucaarad ku sheega yare ee diiday inay xisbiya furtaan oo maraan habka dastuuriga ah kana shaqaynaya  amni xumida,  dunduminta iyo sumcad dilka   (destructive opposition) puntland lana  shaqaynaya ama ku  darsamay cadowga badan ee Puntland iyo dadkeenu leeyahay ee mandiqada aan ku noolnahay (aan xusuusano sida horey xoog iyo lacagba  loogu bixiyey baabiinta Puntland)

5)   sidoo kale waxaan  xukuumada puntland  uga mahadcelinaynaa siday uga goantahay gaarsiinta horumarka iyo dimoqraadiyada Puntland  una soo jeedinaynaa in ay kaabid (empowering) u sameeyaan ururada siyaasada cusub ee wadankooda jecel uma sahlaan  siday howlahooda  u guda geli lahaayeen waqtiga ku haboon  ayna ka taxadarto inaan qaswadayaal ku gaban ama ka helin fursado ka helin ogolaanshahaas.

 

6)  waxaan xusuusinaynaa hadaan nahay bahda qurbajoogta reer puntland  inaanan raali ka ahayn waxkasta  oo wax u dhimaya nabadgelyada, magaca, iyo wada jirka puntland  aana la xisaabtami doono oo aanan ka ogolaanayn  ciday doonta ha noqotee ama  meeshay doontana ha joogtee  qofkii mucaarad ama raba inuu wax saxana uu maro wadada saxdaa xisbiyo furtaan waqtigaa xalin doona waxyaabaha yaryar ee ay tabanaysaane wax u dhimin meesha uu quuddaraynayo inuu xukumo.

 

Wabillahi towfiiq

 

AMF UK

*FG: Qof kastaa xaq buu u leeyahay inuu XOG, AQOON, iyo TALO , gaarsiiyo dad-weynaha, ama uu celiyo JAWAAB. 




   
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software