Horudhac
Ururka Sahal waxuu dadwaynaha Soomaaliyeed halkaan ugu soo
bandhigayaa warbixin kooban oo ku saabsan hab dhaqanka madaxwaynaha ee la
xiriira hab maamuuska dawlada iyo dastuurka fadaraalka, samaynta maamul
goboleedyada iyo talobixin loo jeedinaayo ummadda Soomaaliyeed ee ku nool
deegaamada Jubbooyinka.
Madaxwayne Xasan
Shiikh oo si cad uga soo horjeestay ku dhaqanka nadaamka Fadaraalka
Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed la socodsinaynaa in
madaxwayne Xasan Shiikh uu todobaadkan magaalada Nairobi si bareer ah uga
cadeeyey inuusan raali ka ahayn in la hirgeliyo maamul goboleedka Jubbaland
isla markaasna inuu kasoo horjeedo in xiligan lagu dhaqmo nidaamka Fadaraaliga
ah ee lagu soo dhisay Dawlada Faradaalka ee Soomaaliya oo asaga lagu soo
doortay. Xog si rismi ah looga helay mar Xasan Shiikh dad kula kulmay Nairobi
todobaadkan waxuu sheegay in Baarlamaanka la horgeyn doono go’aan fikirkiisa
xambaarsan si ay go’aan uga gaaraan baabi’inta samaynta maamul goboleedyada. Si
loo fuliyo go’aankan madaxwaynuhu waxuu ku talo-jiraa inuu isticmaalo awood
dawladeed iyo mid hanjabaad hoose, dhaqaale iyo qalqaalin siyaasadeed si uu
Baarlammanku u diido samaynta maamul goboleedyada taasoo ka tarjumaysa fikirka
guracan ee Xamar yaala. Waxuuna madaxwaynuhu doonayaa in dowladiisu ay noqon
doonto dawlad dhexe oo awood leh oo ku baahda dalka oo dhan, waa sida uu
hadalka u dhigaye.
Dhinaca kale, markii Xasan Shiikh uu booqasho ku yimid dalka
Kenya waxuu cadeeyey in dawladiisu ay dhowaan magaalada Kismaayo u soo magacaabi
doonto maamul ku meel gaar ah oo shaqayn doona muddo saddex bilood ah.
Hadalka Xasan Shiikh waxuu muujinayaa in dawladiisu aysan
diyaar u ahayn inay ku dhaqanto sharciga fadaraaliga ah waxaana nasiib darro ah
in madaxwaynihii la rabay inuu asagu sharciga ilaaliyo uu horseed u noqdo
burburinta nadaamka dawliga ah iyo sharciyada fadaraaliga ah ee ay ku dhisan
tahay dawlada Fadaraalka Soomaaliyeed. Hadaba hadaan nahay ururka Sahal waxaan
u aragnaa inuu si bareer ah isaga indhatiro ku dhaqanka sharciga fadaraalka ah
ee u degsan dawlada Soomaaliya. Waxaan u aragnaa arin ugub ah iyo taariikh
mugdi ah inuu Madaxwaynuhu ka dhigto
Xasan Shiikh shaqadiisa 1aad inuu ka hortago dad Soomaaliyeed e dagan
gobolada Jubbooyinka oo ku heshiiyey nadaam iyo kala danbayn ay ku kala
badbaadaan taasoo tilaabo ku dayasho u ah dadka ku nool gobolada bartamaha iyo
koonfurta Soomaaliya.
Sidaasi darteed, ururka Sahal ka dib markuu u kuurgalay si
dhowna qiimayn ugu sameeyey tilaabooyinka is daba-jooga ah oo meel ka dhaca ah
oo Madaxwayne Xasan Shiikh uu wado isla markaasna arkay guuxa siyaasadeed ee
kasoo yeeraaya Xamar iyo adeegsiga uu rabo inuu isticmaalo dad dhuuni-qaatayaal
ah oo kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka, waxaa noo cad in iftiinka, nabada iyo
walaaltinimada oo kasoo ifbaxaaya gobolada Jubbaland oo lagu helay fadliga
ilaahay inay madaxwaynaha iyo kooxdiisu ay rabaan inay si kasta uga hortagaan.
Waxaan ummadda Soomaaliyeed leenahay walaaleyaal boogtii
22ka sano jirsatay oo hadda qolof-satay ayaa madaxwaynaha iyo kooxdiisu ay
rabaan inay dib u huriyaan dhibkii iyo colaadii ummadda Soomaaliyeed horey uga
soo gudbtay.
Sidaasi ururka Sahal
waxuu soo saaray qodobada soo socda:-
1.Waxaan fariin deg deg u diraynaa dhammaan beelaha
Soomaaliyeed inay isku tashadaan isla markaasna ay hirgaliyaan maamul
goboleedyada ay degan yihiin gaar ahaan gobolada;
2.Gudiga maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka waxaan ka
dalbaynaa inaad guntiga dhiisha isaga dhigtaan isla markaasna aad u dhabar
adaygtaan dhib kasta oo idin soo wajahda oo dhidibada u aastaan mamul
goboleedka Jubbaland;
3.Waxaan ugu baaqaynaa dadka deegaanka Gobalada Jubboyinka
isku tashadaan kana talobaxaan hagardaamada iyo maaweelada dawlad ku sheegta ah
ee Xasan Shiikh horjoogaha ka yahay iyo kooxdiisa NGO-yada ku salaysan;
4.Waxaa cad in dadka isku isbahaystay oo horseed ka yihiin
madaxwayne Xasan Shiikh, xisbigiisa, Ismail Omar Geele, iyo Cabdisaqaasim
Salaad kuwaasoo kasoo horjeeda nadaam iyo nabad lagu waaro oo ka dhalata gayiga
Soomaaliya. Fadaraal diid waa dawlad iyo nadaam diid waayo sida ku cad qodobada
38 iyo 40aad ee dastuurka dawlada Fadaraaliga ah shacab kasta oo dega labo
gobol iyo wixii ka badan waxay xaq u leeyihiin inay samaystaan maamul goboleed,
doorka dawladu waa inay caawiso maamul samaynta;
5.Waxaan si adag uga soo horjeednaa in shirarka iyo
abaabulka magaalada Muqdisho ay ka wadaan madaxwayne Xasan Shiikh, xisbigiisa,
iyo kooxo yar oo asal ahaan ka yimid gobolada Jubbooyinka oo dhuuni-raac ah
kuwaasoo ku midoobay hindise la xiriira
in Xamar laga soo magacaabo maamul ku meel gaar ah loo sameeyo Gobalada
Jubboyinka;
6.Waxaan beesha caalamka, UN, Arab League, AU iyo IGAD iyo
gaar ahaan dawlada reer galbeedka halkaan baaq uga jeedinaynaa madaxwayne Xasan
Shiikh ay hal uga soo jeestaan intuusan nabada Soomaaliya iyo Geeska Africa
uusan ceel dheer ridin waayo si loo dhiso dawlada hadda jirta waqti badan iyo
qarash badan ayaa lagu bixiyey;
7.Haddii madaxwayne Xasan Shiikh, iyo kooxdiisu aysan faraha
kala bixin arimaha maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka, waxaan horseedi
doonaa kacdoon ay beelaha degan gobolada Jubbooyinka, Puntland iyo Galgaduud ay
kalsoonida kala noqdaan dawlada Fadaraalka ah taasoo loo aqoosan doono inay ku
fashilantay hawlihii loo igmaday.
Bayaankan waxaa soo
saaray ururka Sahal
Taariikh: 26th
December 2012