Waayaha.net
Sarkaal ka tirsan wasaaradda amniga Puntland ayaa shabakadda wayaha u xaqiijiyay in ninka lagu magacaabo Yaasiin Cabdi-Samed iyo rag kale oo hadda ku xiran magaalada Garowe si dhaqsa ah maxkamad loo soo taagi doono, sida sarkaalku sheegay Yaasiin oo ka mid ahaa niman odayaal ah oo shir ay dowladda mamnuucday rabay inay ku qabtaan magaalada ayaa isaga waxaa loo haystaa arrimo badan oo ku lug leh xiisado iyo dhibaatooyin ka dhacay gobolka Mudug, sarkaalkan oo oggolaan ina magaciisa la sheego ayaa isla mar ahaantaas ka gaabsaday inu wax ka magacaabo danbiyada uu ku eedaysanyahay Yaasiin Cabdi-Samed.
"Yaasiin Cabdi-Samed, anigu waan aqaan Isimmada Puntland kama mid aha mana hubo inuu yahay nin Nabad-doon ah, waqti dheer baan aqiinay, waayahdan baa iigu horaysay isagoo isugu yeeray ama ay dadka qaarkii ugu yeerayaan Nabad-doon..."ayuu yiri sarkaalka isagoo ka jawaabayay weydiin la xiriirtay inuu Yaasiin ka mdi Yahay oday-dhaqameedyada Puntland iyo in kale.
Sarkaalka ayaa dhinaca kale sheegay in Yaasiin Cabdi-Samed iyo Cabdi-Kaafi Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan nimanka isku sheegaya mucaaradka (Waa siduu hadalka u yiriyee) ay dabada ku hayaan ama ay soo adeegsadeen dad raba in Puntland jilbaha dhulka loo dhigo,"Waa Alle mahaddii, waxaan nimankaas iyo kuwa la soo adeegsadayba u sheegayaa inay Puntland maanta ka soo gudubtay heer ay beelo ku tiirsanaato oo ay noqotay maamul leh nidaam iyo hoggaan iyo shacab kala yaqaan cadowgiisa iyo saaxiibkiis" ayuu yiri sarkaalka.
Mar la weydiiyay sarkaalka goorta maxkamadda la soo taagayo ragga xirxiran ayuu si kooban u yiri, "...Arrintooda waxaan u gudbinay xeer-ilaalinta Puntland iyada ayaana ku soo oogaysa danbiyada, iyaga ayaana waqtiga qaban doona" wuxuuna carabka ku adkeeyay in khayaannada (Waa siduu yiriyee) iyo shirqoolka ay raggan sameeyeen uusan fududayn laakiin uu maamulku dul-qaad badan sameeyay.