Wiilkii Somali-
Britishka oo ay qoyskiisa weysanaayeen mudada dheer meel uu jaan iyo cirib
dhigay ayaa waxaa la sheegay inuu dhawaantaan ka soo muuqday asaga iyo 2 nin oo
Somaali - Swedish ah maxkamad ku taala magaalada New York ee dalkaas Mareykanka
arintaas oo yaab iyo amakaag ku noqtey qoyska uu ka maqnaa wiilkaas.
Wiilkaan oo lagu magacaabo Mahdi Xaashi oo 23 sano jir ah oo
ay qoyskiisa mudaba ay war ka la'aayeen meel uu ku sugan yahay ayaa waxaa la
sheegay inuu dhawaantaan ka soo muuqday maxkamada ku taala Brooklyn, New Yorka
ee dalkaas Mareykanka asaga oo ay weheliyaan 2 nin oo kale oo Soomaali -
Swedish oo lagu kala magacaabo Cali Yasin Axmed oo 27 jir ah iyo Maxamed Yusuf
oo asagana 29 sano jir ah, ragaan oo lagu soo eedeeyey inay xiriir la leeyihiin
oo ay ka tirsan yihiin kooxda maleeshiyaadka Alshabaab ayaa waxay dowlada
Mareykanka ay ku eedeysay Mahdi Xaashi inuu sanooyin badani uu tababar ku
saabsan dagaalka iyo wax qarxinta uu la qaatey kooxdaas Alshabaab islamarkaana
uu ku lug lahaa oo uu ka tirsanaa kooxaha qorsheya ama diyaariya arimaha la
xiriir is qarxinta iyo dadka naftooda haliga, Mahdi Xaashi oo dowlada Ingiriiska
ay horey ugala noqotey dhalashadii wadankaas arintaas oo ay ku macneeyeen dadka
u dooda xaquuqda aadanaha mid ay dowlada Ingiriisku ugu fududeyneysay dalka
Mareykanka inay siday doonaan ka yeelaan ninkaas maadaama uu dhumiyey xaquuqdii
muwaadinimo ee dalkaas Ingiriiska.
Ugu dambeyntiina iyadoo garyaqaanka u doodaya ninkaas oo
lagu magacaabo Saghir Hussain uu ku timaamay waxa dhacay mid lala yaabo
islamarkaana la isweydiin karo inta ay le'eg tahay doorka ay dowlada Ingiriiska
ka qaadatey inay dalkaas Mareykanku ay xoog iyo afduubasho ku wataan ninkaas
ayaa sidoo kale waxaa arintaas murugo iyo wel wel weyn ka muujiyey qoyska
ninkaas ay FBI Mareykanku afduubteen iyagoona meesha ka saarey inuu wiilkoodu
ku lug leeyahay waxa lagu eedeynaayo, Ninkaan ayaa waxaa horey uu u sheegay
inau kol hore ay soo wajaheen qaar ka mid ah sirdoonka dalkaas Ingiriiska ee
MI5 oo ayna ka codsadeen inuu u soo jaajuuso qaar ka mid ah muslimiinta dalkaas
Ingiriiska arintaas oo uu ka biyo diiday taasna ay tahay mida ilaa iyo hada loo
heysto, ninkaan ayaa waxaa la sheegay inuu horey ugu xirnaa xabsi ku yaala
dalka Jabuuti intaan loo dhoofin dalka Mareykanka iyadoona dacwadiisa la qaadi
doono dhamaadka sanadka soo socdo.
Halkaan ka daawo: http://www.youtube.com/watch?v=UTkpqrCl8vg
Abdirizak M.
(Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com