Gabar u dhalatey dalka Holland ayaa waxaa la sheegay in lagu
darey liiska argagaxisada aduunka iyadoona uu dalkaas Mareykanku uu baadi goob
ugu jiro gabadhaas ka dib markii ay gabadhaas ku biirtey jabhada ka dagaalanta
dalka Colombia.
Gabadhaan oo lagu magacaabo Tanja Nijmeijer oo 34 sano jir
ah una dhalatey dalka Holland islamarkaana ah aqoonyahanada ka qalin jabisay
jaamacad ku taal dalka Holland ayaa waxaa la sheegay in ayaa waxaa la sheegay
inay in ka badan 10 sanadood ay ka bar bar dagaalamaysay jabhada lagu magacaabo
FARC oo ah jabhad dagaal kula jirta dowlada dalkaas Colombia iyadoona ay
gabadhaas ay ilaa iyo xilligaas ay ku jirto duurka jungulka ah ee dalkaas
islamarkaana ay dagaal kula jirto ciidamada dalkaas Colombia, gabadhaan oo ka
hadleysay sababta ay ugu biirtey jabhadaas ayaa sheegtay inay dowlada dalkaas
ay xaqdaro kula dhaqanto dadkeeda islamarkaana ay dad gooni ah ay ka faa'iidaan
qeyraadka dalkaas halka ay qeyb badan oo ka mid ah dadka reer Colombia ay ku
nool yihiin nolol liidato iyo gaajo, gabadhaan oo markii hore u tagtey dalkaas
inay luqada ingiriiskaa ka dhigto dalkaas ayaa markey ku soo laabatey dalka
Hollland waxay sheegtay inay dareentay dhibka ka jirey dalkaas, Gabadhaan oo u
adeegeysay jabhadaas oo markii hore ka fulin jirtey qaraxyo caasimada dalkaas
ee Bogota ayaa ka dib u baxsatey duurka oo ay hada ka dagaalanto, gabadhaan oo
wareysi siisay sanadkii 2010 weriye reer Colombia ah ayaa sheegtay inay wadeyso
halgankaas ilaa ay guul ka gaaraan ama ay ku dhimato iyadoo ku jirto halgankeeda.
Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaas ay ku jirto liiska
argagaxisada aduunka oo uu dalkaas Mareykankuna baadi goob ugu jiro asagoo la
xiriirinaayo inay ku lug lahayd gabadhaas 3 qof oo u dhashay dalkaas Mareykanka
oo ay jabhadaas afduub u geysteen, Gabadhaan oo door weyn uga jirto halganka
kooxdaas ayaa waxay dhawaantaan u wakiisheen inay ka mid noqoto wafdiga uga
qeyb galaayo wadahadal dhexmaareyey dowlada dalkaas iyo jabhadaas, Laakiin
wadahadlkaas oo qeybtiis hore ay ka dhaceen magaalada Oslo ee dalkaas Norway
ayey gabadhaas Hollaandeeska ay ka baaqsatey iyadoo ka baqday in lagu qabto
wadankaas Norway laakiinse wadhadalka qeybtiisa labaad oo ka dhacay magaalada
Hvana ee dalka Cuba ayey gabadhaas ku jirtey wafdiga ka socday jabhadaas
iyadoona gorgorten iyo dood ku saabsan sharuudahooda hor dhigtey wafdigii ka
socday dowlada dalka Colombia, gabadhaan ayaa xilligii ay ku sugneyd dalka Cuba
waxay xiriir la soo sameysay waalidkeed iyo ehelkeedii kale ee ku noolaa dalka
Holland oo ay mudo dheer kala war helin.
Halkaan ka daawo: http://www.youtube.com/watch?v=thK7yyT60Wc
Abdirizak M.
(Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com