Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Puntland:Ma caqligaa shaqayn doona mise Caloosha?

Sida laga wada dheregsan yahay waxaa beryahaan Puntland ka taagnaa xasarad ka dhalatay kororsi  muddo sannad ah oo ay Xukuumadda hadda talada haysaayi ku kororstay muddadeedii dhammaan lahayd 8da bisha January ee sannadka 2013 (wax  labo toddobaad ku siman), iyadoo sabab uga dhigtay, xeerhoosaadyana u sameysatay inay muddadaas sannadka ah ku hirgelin doonto nidaamka xisbiyada badan oo qorshuhu ahaa inay horay u hirgeliso hase yeeshee, sidey doontaba ha ku dhacdee, ay ku fashilantay in muddadii loogu talogalay ay ku hirgeliso.

Haddaba, aynnu malaha ugu xun u male-awaalno xukuumadda hadda jirta oon niraahno, way  woodday inay 4tii sano ee la soo dhaafay  nidaamka xisbiyada badan Puntland ka hirgeliso ee qorshahaani horuu  ugu degsanaa oo markay kursiga macaankiisa arkeen  ayay is yiraahdeen sida kaliya ee sannad ama ka badan loogu darsan karaa waa idinkoo sannadaha hore aan arrintaan soo hadal qaadin oo marka aad sannadka ugu dambeeya  (ama wax yar ka hor)  gaartaan hawsha bilaaba, ka dibna la soo shir taga; haddee hawshii aan bilownay waa gabagabo oo sannad gudihiis ayay ku dhammaneysaaye hal sano ha naloo ku daro si aan sannadkaas gudihiisa degaannada Puntland nidaamka xisbiyada badan uga  hirgelinno.  Sida ay aniga ila tahay, male-awaal taban oo midkaas ka sii fog oo arrinta sannad ku darsiga lagu cabbiri karaa ma muuqdo, maadaama wuxuba hal sano yihiin oo aysan labo ama ka badan ahayn.

Haddaba ma halka sano ayay cilladu ka jirtaa, mise waxaa laga baqayaa in sannadku sannad kale sii dhalo oo hawshu sannadka ku dhammaan weydo? mise rag bay bahashu u bisleyd oo 4 sano sugayaye sannad kale ma sii sugi karaan baa xaajadu?  mise haddii xisbiyada la sheegayo soo baxaan rag baa caanuhu ka daadanayaan? Mise cadyahow ku  cunay ama ku ciideeyay ayay sheekadu joogtaa? Mise  waxaas oo dhan maahee sharciga ha loo hoggaansamo iyo mayee xeer hoosaad baa jira ayay arrintu mareysaa?

Markii aan weydiimahaan iyo kuwa kaleba is weydiiyay oo aan dib u eegay dhacdooyinkii afartii sano ee la soo dhaafay ka dhacay Puntland (oo kuwo togan iyo kuwo tabanba lahaa) iyo kuwa ayaamahaan socda (oo kuwo taban u badan), waxaa isu kay qaban waayay dhibaatada sannad-ku-darsigu keeni karto iyo heerka dacaayadaha, abaabulka iyo  caga-jugleynta mucaaradka. Haddii aan si kale u dhigo, marka laga reebo qaar faro ku tiris ah, waxaa ii soo baxay in ololaha mucaaradku ay sannad-ku-darsiga kaga soo hor jeedaan uusan  caqli fiyow  iyo aragti dheer midna  ku saleysnayn  khayr iyo samana u soo wadin ummadda degaannadaas ku nool.  Xujada ay xukuumadda hadda jirtaayi mucaaradka iyo dadweynahaba soo hordhigtayi  waa sidaan:  Wixii dhacaye dhace e´  ma waxaa inoo dan ah inaan sannad gudihiis nidaamka qabiilka ku salaysan uga guurno mise 4 ama 5 sano oo soo socota ayaynu u baahannahay si aan uga baxno baarlammaanka reeraha lagu soo xulo?

Xujadaani furdaamin  ayay u baahan tahay ee fowdo iyo xasarad uma baahna. Waxay u baahan tahay inaan heshiis iyo xal raadinno oo Qir & Qir iyo qolo walba meesheeda uusan xalku noqon. Taasi ma dhicin oo xaaladdu hadda Qir & Qir dhaaftay oo faro ka bax bay ku dhowdahay. Haddaba maxaa xal ah? Inta aynaan xalka soo jeedin bal aan is barbar dhigno oo caqli fiyow ku miisaanno dhibka iyo dheefta ka  dhalan kara haddii xukuumaddu yeesho baaqa mucaaradka iyo haddii ay iska dhega tirto labadaba.

 2 Male-awaallada  dheefeed ee  ugu quruxda badan haddii sannadka la is hortaago oo  lagu guuleysto  xukuumaddana lagu sandulleeyo inay go’ankeeda ka noqoto (waa si aan hadda muuqane) waxay yihiin :-

 in xeerkii horay loogu heshiiyay ee 4ta sano ahaa loo hoggaansamay oo aan maalin lagu darsan iska daa sannad iyo wax ka badane, xeer-jajabkii iyo dastuur beddeliddiina la laalay

 in xulkuumadda la tuso in haddii ay arrimaha qaar ka gaabisay ay u yaalliin xukuumadda soo socota ee aysan marmarsiiyo ka dhigan karin far baa mayr la´ ee sannad ha la iigu daro

 inay waano-qaadasho u noqoto  xukuumadda dambe ee hoggaanka qabata (ama kuwa hadda jooga ha noqdeen ama kuwo cusub ha yimaadeene)

Haddii Saddexdaan  dheefood la helo waxaa si toos ah (automatically) uga dhalanaya oo laga dhaxlayaa  dhib aan la dhayalsan karin oo isku fuuqsanaysa dheefaha kor ku xusan, kaasoo ah in 4 ama 5 sano oo dambe (illeen sannad ku darsigu wadduu noqdaye) lagu sii jiro nidaamka baarlammaanka qabaai’lka ku saleysan. Arrintaan iyada ah la ismaba weydiiyo oo mucaaradku way daboolaan waana arrin, sida dhabta ah, dhibaatada iyo ragaadka ka imaan karaayi ay istaahilaan in sannadka xukuumaddu codsatay loogu  daro si nidaamkaan Soomaalida asaaggeed ka reebay looga guuro.

Bal aynnu markaanna milicsanno dhibta iyo rafaadka ka dhalan kara haddii xukuumadda hadda jirtaayi ay dhegaha ka furaysato baaqyada mucaaradka oo ay bilowdo hirgelinta waxyaabihii ay ballan qaadday inay sannadka gudihiisa ku soo gabagabeynayso (waa sida hadda xaalku ku socdaaye).

Male-awaallada dhibeed ee ka dhalan kara haddii uu xaalku sida uu hadda ku socdo ku sii socdo waxay noqon karaan:

 Xarig iyo cabburin (mar hore bilaabmay) oo ay xukuumaddu kaga hortagto cid kasta oo ka soo hor  jeesata sannad-kororsiga (ka soo horjeesigaasi ha noqdo mid xeerarka yaalla loo cuskaday  ama mid buun-buunis iyo awr-ku-kacsi ku salaysan intaba)

 Tooxsi iyo cudud-sheegasho ka dhasha  qabqabashada iyo cabburinta  mucaaradka

 Gacan-haadis iyo ha nala soo gaaro labada dhinacba u qaylo-dhaansadaan ciddii ay is leeyihiin waa idin garab taagan tahay

 Taageero iyo gurmad (hiil iyo hooba leh) oo intooda badani ujeeddooyin gurracan wataan oo ka yimaada dhinacyadii loo kala  qaylo dhaansaday iyo kuwo aan loo gacan haadinba  (sidii horay u dhacday)

 Gacan ka hadal ku xigsada hub-uruursiga iyo cudud sheegashada (waa la soo maray)

 Burbur iyo furfuran ku yimaada qaybihii ka haray degaamadii magaca Puntland isku bahaystay

 Korte dhoosha dambe ka qosla iyo kas-laawe kulaala wixii ka joogso laga kari waayay Ma filayo inay jiraan wax dheef ah  oo dhibaatooyinkaan laga dhaxli karo oo aan ka ahayn ‘ninkii rooni reerka ha u haro’ taasoo aan la ogeyn baaxadda waqti iyo tan khasaare ee la sii jiirayo ka hor inta aan nin roonahaasi reerka u harin. 

Haddaba xalku xagge ku jiraa? Marka aad eegtid xaalka Soomaliya guud ahaan iyo kan Puntalnd gaar ahaanba, xalku wuxuu  ku kooban yahay in caqligu shaqeeyo oo sannadka la iska korto oo weliba aan  xukuumadda hadda jirta kailgeed lagu dayne, mucaaradka iyo xisbiyada cusubi ay kala shaqeeyaan sidii 3 sannadkaas gudihiisa nidaamka xisbiyada badan loogu guuri lahaa. Marka si looga gaashaanto dhibaha  kor ku xusan oo dhan iyo kuwo kale oo qarsoonba oo aysan sheekadu noqon ‘sannad baan diidayaye ma  sidaanaa ii dambeysay’, qodobbada soo socda ayaan soo jeedin lahaa in si deg-deg ah loogu dhaqaaqo.

 Waa in mucaaradka maslaxadda ka talinaya iyo waxgaradka  dalka joogaayi  ay  la shiraan xukuumadda talada haysa sida ay waxgaradka uu Dr. Saadiq Eenow ka mid yahay u soo jeediyeen.

 Hubka ugu wayn oo mucaaradka iyo waxgaradkuba ay xukuumadda kala hortagayaan  waa inuu noqdaa:- maxaa dammaanad ah oo aad na siineysaan inaan sannadku sannad kale dhali doonin iyo inaan barnaamijkaan idinkala shaqeyno muddadaas sannadka ah si aydaan hawsha ugu uga dhigin mid u gogol xaara sidii  mar kale la idiin soo dooran lahaa meeshii laga sugayay xisbiyo siman oo u tartama aqalka madaxtooyada.

 Waa in shirka la  iskula meel dhigaa jadwal gooraysan oo sannadka ay xukuumaddu codsatay  ku salaysan oo looga baxayo nidaamka baarlammaanka  reeraha ku salaysan looguna gudbayo nidaamka xisbiyada badan.

 Xukuumaddu waa inay oggolaataa in mucaaradka iyo waxgaradkuba kala shaqeeyaan nidaamkaas isaga ah muddada sannadka ah ee ay codsatay si looga hortago inay sannadka u beddesho olole ay xisbigeeda u sameyso. Wixii la isku afgaranwaayana waxgaradka taladu ka go’do ha loola noqdo.

 Xukuumaddu waa inay shuruud la’aan ku soo daysaa dadka arrintaan u xir-xiran oo dhan.

 Ha la joojiyo dacaayadaha riqiiska ah, hanjabaadaha, qodqodista iyo buun-buuniska dhacdooyinka.

 Ha la iska ilaaliyo muddadaas sannadka ah wax kasta oo wax u dhimaya ammaanka dadweynaha iyo  habsami u socodka barnaamijka lagu heshiiyay.

Waxaan qoraalkayga ku soo gabagbeynyaa, anigoo codkayga ku biirinaya Xaashi Keenadiid iyo dadka la  midka ah ee nabad-raadiska ah oo meesha aan Caloosha u bixiyay isagu Rooxaan ku tilmaamay, hase  yeeshee biyadhacayagu  uu  isku meel yahay oo ah in  Caqligu shaqeeyo oo   Caloosha ama Rooxaanta  cawaaqibkoodu waa xun yahaye laga feejignaado oo Carabtu waxay ku maahmaahdaa ‘Maxaa shalay maanta uga ege’ dib loo jalleecdo Caloosha ama Rooxaantu meesha ay Soomaaliya dhigeen. Ragga ay sannadka  uga dhiggan tahayna oo ku celcelinaya  Faroole waa ninkii ugu darnaa oo sannad-kororsiga  xukuumadihii ka horreeyay ka soo horjeeday, waxaan weydiinayaa yaa dammaanad qaadaya inaydaan sidiisa sannad iyo ka badanba ku darsan doonin marka aad isaga meesha ka tuur(a)taan oo afarta sano  idiin dhammaato? waaba haddii aad si nabad ah uga tuur(a)taane.  Marka  “Kam shufnaa maraakiib macadallaa huuri’ ninbaa yiriye aynu xeerada salkeeda isugu nimaadno oo sannad waa 12 biloode, wad uunbaana  inaka xigee oo weliba sannad-dheefeed noqon mayo ee  sannad-hawleed buu noqonayaaye  (waa  haddii  la heshiiyo oo  la isu tanaasulo) guntiga dhiisha isaga dhiga oo xisbiyo sameysta oo  ku dadaala in sannadkaasi noqodo sannad Puntland uga gudubto nidaamka qabiilka ku dhisan ee aad sida  dadban ugu ololeynaysaan inuu afar sano oo dambe ama ka badan sii jiro.

WABILLAHI TOWFIIQ

Qore: Cali Maxamuud Cusmaan 

cmc7635@gmail.com

*FG: Qof kastaa xaq buu u leeyahay inuu XOG, AQOON, iyo TALO , gaarsiiyo dad-weynaha, ama uu celiyo JAWAAB. 




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software