Sida laga wada dheregsan yahay waxaa beryahaan Puntland ka
taagnaa xasarad ka dhalatay kororsi muddo
sannad ah oo ay Xukuumadda hadda talada haysaayi ku kororstay muddadeedii
dhammaan lahayd 8da bisha January ee sannadka 2013 (wax labo toddobaad ku siman), iyadoo sabab uga
dhigtay, xeerhoosaadyana u sameysatay inay muddadaas sannadka ah ku hirgelin
doonto nidaamka xisbiyada badan oo qorshuhu ahaa inay horay u hirgeliso hase
yeeshee, sidey doontaba ha ku dhacdee, ay ku fashilantay in muddadii loogu
talogalay ay ku hirgeliso.
Haddaba, aynnu malaha ugu xun u male-awaalno xukuumadda
hadda jirta oon niraahno, way woodday inay
4tii sano ee la soo dhaafay nidaamka
xisbiyada badan Puntland ka hirgeliso ee qorshahaani horuu ugu degsanaa oo markay kursiga macaankiisa
arkeen ayay is yiraahdeen sida kaliya ee
sannad ama ka badan loogu darsan karaa waa idinkoo sannadaha hore aan arrintaan
soo hadal qaadin oo marka aad sannadka ugu dambeeya (ama wax yar ka hor) gaartaan hawsha bilaaba, ka dibna la soo shir
taga; haddee hawshii aan bilownay waa gabagabo oo sannad gudihiis ayay ku
dhammaneysaaye hal sano ha naloo ku daro si aan sannadkaas gudihiisa degaannada
Puntland nidaamka xisbiyada badan uga hirgelinno. Sida ay aniga ila tahay, male-awaal taban oo
midkaas ka sii fog oo arrinta sannad ku darsiga lagu cabbiri karaa ma muuqdo,
maadaama wuxuba hal sano yihiin oo aysan labo ama ka badan ahayn.
Haddaba ma halka sano ayay cilladu ka jirtaa, mise waxaa
laga baqayaa in sannadku sannad kale sii dhalo oo hawshu sannadka ku dhammaan
weydo? mise rag bay bahashu u bisleyd oo 4 sano sugayaye sannad kale ma sii
sugi karaan baa xaajadu? mise haddii
xisbiyada la sheegayo soo baxaan rag baa caanuhu ka daadanayaan? Mise cadyahow
ku cunay ama ku ciideeyay ayay sheekadu
joogtaa? Mise waxaas oo dhan maahee
sharciga ha loo hoggaansamo iyo mayee xeer hoosaad baa jira ayay arrintu mareysaa?
Markii aan weydiimahaan iyo kuwa kaleba is weydiiyay oo aan
dib u eegay dhacdooyinkii afartii sano ee la soo dhaafay ka dhacay Puntland (oo
kuwo togan iyo kuwo tabanba lahaa) iyo kuwa ayaamahaan socda (oo kuwo taban u
badan), waxaa isu kay qaban waayay dhibaatada sannad-ku-darsigu keeni karto iyo
heerka dacaayadaha, abaabulka iyo
caga-jugleynta mucaaradka. Haddii aan si kale u dhigo, marka laga reebo
qaar faro ku tiris ah, waxaa ii soo baxay in ololaha mucaaradku ay
sannad-ku-darsiga kaga soo hor jeedaan uusan
caqli fiyow iyo aragti dheer
midna ku saleysnayn khayr iyo samana u soo wadin ummadda
degaannadaas ku nool. Xujada ay
xukuumadda hadda jirtaayi mucaaradka iyo dadweynahaba soo hordhigtayi waa sidaan:
Wixii dhacaye dhace e´ ma waxaa
inoo dan ah inaan sannad gudihiis nidaamka qabiilka ku salaysan uga guurno mise
4 ama 5 sano oo soo socota ayaynu u baahannahay si aan uga baxno baarlammaanka
reeraha lagu soo xulo?
Xujadaani furdaamin
ayay u baahan tahay ee fowdo iyo xasarad uma baahna. Waxay u baahan
tahay inaan heshiis iyo xal raadinno oo Qir & Qir iyo qolo walba meesheeda
uusan xalku noqon. Taasi ma dhicin oo xaaladdu hadda Qir & Qir dhaaftay oo
faro ka bax bay ku dhowdahay. Haddaba maxaa xal ah? Inta aynaan xalka soo
jeedin bal aan is barbar dhigno oo caqli fiyow ku miisaanno dhibka iyo dheefta
ka dhalan kara haddii xukuumaddu yeesho
baaqa mucaaradka iyo haddii ay iska dhega tirto labadaba.
2 Male-awaallada dheefeed ee
ugu quruxda badan haddii sannadka la is hortaago oo lagu guuleysto xukuumaddana lagu sandulleeyo inay go’ankeeda
ka noqoto (waa si aan hadda muuqane) waxay yihiin :-
in xeerkii horay loogu heshiiyay ee 4ta
sano ahaa loo hoggaansamay oo aan maalin lagu darsan iska daa sannad iyo
wax ka badane, xeer-jajabkii iyo dastuur beddeliddiina la laalay
in xulkuumadda la tuso in haddii ay
arrimaha qaar ka gaabisay ay u yaalliin xukuumadda soo socota ee aysan
marmarsiiyo ka dhigan karin far baa mayr la´ ee sannad ha la iigu daro
inay waano-qaadasho u noqoto xukuumadda dambe ee hoggaanka qabata (ama kuwa
hadda jooga ha noqdeen ama kuwo cusub ha yimaadeene)
Haddii Saddexdaan
dheefood la helo waxaa si toos ah (automatically) uga dhalanaya oo laga
dhaxlayaa dhib aan la dhayalsan karin oo
isku fuuqsanaysa dheefaha kor ku xusan, kaasoo ah in 4 ama 5 sano oo dambe
(illeen sannad ku darsigu wadduu noqdaye) lagu sii jiro nidaamka baarlammaanka
qabaai’lka ku saleysan. Arrintaan iyada ah la ismaba weydiiyo oo mucaaradku way
daboolaan waana arrin, sida dhabta ah, dhibaatada iyo ragaadka ka imaan karaayi
ay istaahilaan in sannadka xukuumaddu codsatay loogu daro si nidaamkaan Soomaalida asaaggeed ka
reebay looga guuro.
Bal aynnu markaanna milicsanno dhibta iyo rafaadka ka dhalan
kara haddii xukuumadda hadda jirtaayi ay dhegaha ka furaysato baaqyada
mucaaradka oo ay bilowdo hirgelinta waxyaabihii ay ballan qaadday inay sannadka
gudihiisa ku soo gabagabeynayso (waa sida hadda xaalku ku socdaaye).
Male-awaallada dhibeed ee ka dhalan kara haddii uu xaalku
sida uu hadda ku socdo ku sii socdo waxay noqon karaan:
Xarig iyo cabburin (mar hore bilaabmay)
oo ay xukuumaddu kaga hortagto cid kasta oo ka soo hor jeesata sannad-kororsiga (ka soo
horjeesigaasi ha noqdo mid xeerarka yaalla loo cuskaday ama mid buun-buunis iyo awr-ku-kacsi ku
salaysan intaba)
Tooxsi iyo cudud-sheegasho ka
dhasha qabqabashada iyo cabburinta mucaaradka
Gacan-haadis iyo ha nala soo gaaro
labada dhinacba u qaylo-dhaansadaan ciddii ay is leeyihiin waa idin
garab taagan tahay
Taageero iyo gurmad (hiil iyo hooba
leh) oo intooda badani ujeeddooyin gurracan wataan oo ka yimaada
dhinacyadii loo kala qaylo dhaansaday
iyo kuwo aan loo gacan haadinba (sidii
horay u dhacday)
Gacan ka hadal ku xigsada hub-uruursiga
iyo cudud sheegashada (waa la soo maray)
Burbur iyo furfuran ku yimaada
qaybihii ka haray degaamadii magaca Puntland isku bahaystay
Korte dhoosha dambe ka qosla iyo
kas-laawe kulaala wixii ka joogso laga kari waayay Ma filayo inay jiraan
wax dheef ah oo dhibaatooyinkaan laga
dhaxli karo oo aan ka ahayn ‘ninkii rooni reerka ha u haro’ taasoo aan la ogeyn
baaxadda waqti iyo tan khasaare ee la sii jiirayo ka hor inta aan nin
roonahaasi reerka u harin.
Haddaba xalku xagge ku jiraa? Marka aad eegtid xaalka
Soomaliya guud ahaan iyo kan Puntalnd gaar ahaanba, xalku wuxuu ku kooban yahay in caqligu shaqeeyo oo
sannadka la iska korto oo weliba aan xukuumadda
hadda jirta kailgeed lagu dayne, mucaaradka iyo xisbiyada cusubi ay kala
shaqeeyaan sidii 3 sannadkaas gudihiisa nidaamka xisbiyada badan loogu guuri
lahaa. Marka si looga gaashaanto dhibaha kor ku xusan oo dhan iyo kuwo kale oo
qarsoonba oo aysan sheekadu noqon ‘sannad baan diidayaye ma sidaanaa ii dambeysay’, qodobbada soo socda
ayaan soo jeedin lahaa in si deg-deg ah loogu dhaqaaqo.
Waa in mucaaradka maslaxadda ka
talinaya iyo waxgaradka dalka
joogaayi ay la shiraan xukuumadda talada haysa sida ay
waxgaradka uu Dr. Saadiq Eenow ka mid yahay u soo jeediyeen.
Hubka ugu wayn oo mucaaradka iyo
waxgaradkuba ay xukuumadda kala hortagayaan
waa inuu noqdaa:- maxaa dammaanad ah oo aad na siineysaan inaan
sannadku sannad kale dhali doonin iyo inaan barnaamijkaan idinkala shaqeyno
muddadaas sannadka ah si aydaan hawsha ugu uga dhigin mid u gogol xaara
sidii mar kale la idiin soo dooran lahaa
meeshii laga sugayay xisbiyo siman oo u tartama aqalka madaxtooyada.
Waa in shirka la iskula meel dhigaa jadwal gooraysan oo
sannadka ay xukuumaddu codsatay ku salaysan
oo looga baxayo nidaamka baarlammaanka
reeraha ku salaysan looguna gudbayo nidaamka xisbiyada badan.
Xukuumaddu waa inay oggolaataa in
mucaaradka iyo waxgaradkuba kala shaqeeyaan nidaamkaas isaga ah muddada
sannadka ah ee ay codsatay si looga hortago inay sannadka u beddesho olole ay xisbigeeda
u sameyso. Wixii la isku afgaranwaayana waxgaradka taladu ka go’do ha loola
noqdo.
Xukuumaddu waa inay shuruud la’aan ku
soo daysaa dadka arrintaan u xir-xiran oo dhan.
Ha la joojiyo dacaayadaha riqiiska ah,
hanjabaadaha, qodqodista iyo buun-buuniska dhacdooyinka.
Ha la iska ilaaliyo muddadaas sannadka
ah wax kasta oo wax u dhimaya ammaanka dadweynaha iyo habsami u socodka barnaamijka lagu
heshiiyay.
Waxaan qoraalkayga ku soo gabagbeynyaa, anigoo codkayga ku
biirinaya Xaashi Keenadiid iyo dadka la midka
ah ee nabad-raadiska ah oo meesha aan Caloosha u bixiyay isagu Rooxaan ku
tilmaamay, hase yeeshee
biyadhacayagu uu isku meel yahay oo ah in Caqligu shaqeeyo oo Caloosha ama Rooxaanta cawaaqibkoodu waa xun yahaye laga feejignaado
oo Carabtu waxay ku maahmaahdaa ‘Maxaa shalay maanta uga ege’ dib loo jalleecdo
Caloosha ama Rooxaantu meesha ay Soomaaliya dhigeen. Ragga ay sannadka uga dhiggan tahayna oo ku celcelinaya Faroole waa ninkii ugu darnaa oo
sannad-kororsiga xukuumadihii ka
horreeyay ka soo horjeeday, waxaan weydiinayaa yaa dammaanad qaadaya inaydaan sidiisa
sannad iyo ka badanba ku darsan doonin marka aad isaga meesha ka tuur(a)taan oo
afarta sano idiin dhammaato? waaba
haddii aad si nabad ah uga tuur(a)taane.
Marka “Kam shufnaa maraakiib macadallaa
huuri’ ninbaa yiriye aynu xeerada salkeeda isugu nimaadno oo sannad waa 12
biloode, wad uunbaana inaka xigee oo
weliba sannad-dheefeed noqon mayo ee
sannad-hawleed buu noqonayaaye (waa haddii
la heshiiyo oo la isu tanaasulo)
guntiga dhiisha isaga dhiga oo xisbiyo sameysta oo ku dadaala in sannadkaasi noqodo sannad
Puntland uga gudubto nidaamka qabiilka ku dhisan ee aad sida dadban ugu ololeynaysaan inuu afar sano oo
dambe ama ka badan sii jiro.
WABILLAHI TOWFIIQ
Qore: Cali Maxamuud
Cusmaan
cmc7635@gmail.com
*FG: Qof kastaa xaq buu u leeyahay inuu XOG, AQOON, iyo
TALO , gaarsiiyo dad-weynaha, ama uu celiyo JAWAAB.