MUQDISHO: Dayactir
balaaran oo lagu sameeyay garoonka 1da
Luulyo (Ex-Lugino) ee magaalada Muqdisho ayaa maanta dib xariga waxaa uga
jartay furitaankiisa Drs. Maryan Qaasim Axmed oo ah wasiirka wasaaradda adeega
bulshada Xukuumadda Soomaaliya.
Ugu horeyn waxaa dayactirka lagu sameeyay garoonka iyo
sida uu burburka u saameeyay ka warbixiyay Kusimaha Guddoomiyaha GOS Xasan
Axmed Cabdi [Xasan Elman] iyo
Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali {Roombo} waxayna tibaaxeen in dagaaladii
ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho ay sababeen burbur baaxad leh oo ku yimid
garoonka, dhinaca kale waxay uga Mahadceliyeen Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud
oo dib u dayactirtay dibna u soo celisay bilicda garoonka Ex-Lugino oo iminka
lagu ciyaaro qeybo kala duwan oo ciyaaraha
ah sida Koleyga, K/Gacanta iyo Laliska.
Dhanka kale,
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isboortiga Aweys Sheekh Xadaad ayaa muujiyay
wadashaqeynta GOS kala dhaxaysa wasaaradiisa wuxuuna xusay in ay ka wada
shaqeeyeen sidii garoonkan loo dayactiri lahaa, isagoo dhankiisa ku ammaanay
Hormuud Telcom sida xilkasnimada oo ay uga qeybqaateen howlaha lagu
horumarinayo ishdexgalka bulshada Soomaaliyeed. Wuxuuna hadalka ku soo
dhaweeyay Wasiirka.
Wasiirka wasaaradda
adeega bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Drs. Maryan Qaasim Axmed ayaa ku
dhawaaqday in garoonku Furan yahay, sidoo kalena waxay mahadcelin balaaran u
soo jeedisay GOS iyo Sharikadda Hormuud oo garoonka dib u dayactiray. Iyadoo
dhinaca kale ka dhawaajisay inay xoojin doonto xiriirka ay la yeelanayso bahda
Isboortiga - waxayna xustay in Isboortiga ka shaqeynayo isu keenidda bulshada.
Ugu dambeyn,
Furitaanka garoonkan ayaa waxaa ka soo qeybagalay madax ka socota GOS, Madaxda
Xiriirada, Wasaaradda Isboortiga iyo Maamulka Degmada C/Casiis. Wuxuu ku soo
idlaaday jawi farxad leh.
Isboorti.com Managing Editor
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2526-1-5520008/+14434409441
Email:buuna@isboorti.com
Website:www.isboorti.com
Twitter: @BUUNA2
Facebook: Click here