Madaxweynaha dalkaas Uruguay ayaa waxaa la sheegay inuu yahay madaxweynaha ugu faqrisan aduunka ka dib markii uu ninkaas mushaharkiisa badankiisa iyo dhaqaalihiisa kaleba uu ugu deeqay bulshada uu madaxweynaha u yahay.
Madaxweynha dalka Uruguay ninka lagu magacaabo José Mujica oo 77 sano jir ah ayaa naaneystiisuna ay tahay "el presidente mas pobre" oo macnaheeduna yahay madaxweynaha ugu faqrisan ama ugu gaajeysan ayaa waxaa la sheegay in 90% mushaaharkiisa uu ugu deeqo dadkiisa gaar ahaana heyadaha caawiya dadka madaxweynaha oo mushaarkiisu uu yahay lacag dhan 12,500 oo doolar bishii ayaa waxaa uu ka reebtaa lacag gaareysa ilaa iyo 1,250 doolar oo kaliya bishii taas oo ka dhigeyso madaxweyne faqri ah, ninkaan ayaa sidoo kale waxaa uu ku nool yahay gurigiisii hore oo ah guri duq ah oo ku yaala duleedka caasimada dalkaas ee Montevideo, wuxuuna ku leeyahay halkaas beer cagaf cagaf iyo eeygiisa, madaxweynahaan ayaa waxaa uu baabuur ahaan u wataa baabuur fakisfaagan (Volkswagen) ah oo duq ah oo ahaa sanadkii 1987 oo lagu qiimeeyey inay tahay ilaa iyo 1,945 doolar, Sidoo kale ayaa waxaa ninkaan ilaalo u ah 2 nin oo ka tirsan booliiska dalkaas, Ninkaan oo ka ahadley in lagu xanto inuu yahay madaxweyne faqri ah ayaa waxaa uu isku difaacay waxaa faqri ah kuwo raba inay cunaan hantida unmada mar walbana wax dheeri ah raadinaayo iyo inay dhaqaale hor leh inay sameeyaan kuwaas oo aan waligood dhergeynin oo mar walbana ku jira inay wax raadiyaan.
Ugu dambeyntiina iyadoo madaxweynhaan uu fariin u direy madaxweynayaasha aduunka oo uuna sheegay inay ku daydaan oo ayna iska daayaan kibirka iyo isweyneynta ayaa qaar ka mid ah dadka reer Uruguay ay soo dhaweeyeen hab dhaqanka madaxweynahaas iyagoona u riyaaqay inkastoo uu madxweyne noqdey ninkaas inuusan wali is badalin hab dhaqankiisa ayagoona sheegay inuu la mid yahay ayaga laakiin qaar ka mid dadka wadankaa ayaa ku sheegay in tahay wax laga xumaado hab dhaankiisa ayagoona sheegay inuu jiro baratokool uu qof walba oo madaxweyne ah ay tahay inuu ilaaliyo, Ninkaan oo ahaa ruug cadaa u soo halganmay wadankaas ayaa laga yaabaa inuusan wax badan ku sii jirin siyaasada marka loo eego da'adiisa oo ah mid ay dhici karto inuu noqdo howl gab.
Halkaan ka daawo: http://www.youtube.com/watch?v=ii2qRcmK38A
Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com