Xudun(WNT)-maamulka Soomaaliland ayaa xaqiijiyeySida
Idaacadda Shabelle uu xaqiijiyay in weerar gaadmo ah lala beegsaday goob ciidan
oo ay ku lahaayeen meel aan sidaasi uga fogayn degmada Xudun ee gobolka Sool,iyadoo
intaasi ay raaciyeen in weerarka soo qaadeen kooxo taageersan maamulka
Khaatumo.
Sarkaal u hadlay yiraahdo Dhulkaal ayaa intaasi ku daray
inay ka xoog roonaadeen kooxihii
weerarka soo qaaday hub iyo maxaabiisna ay ka qabsadeen.
Magaalada Xudun ayuu sheegay inay tahay iminka mid degan wax
dagaal ahina uusan ka jirin,ayna si buuxda gacanta ugu hayaan.
Dhowaanahan ayaa xiisado u dhexeeya Maamulka Soomaaliland
iyo Maamulka Khaatumo State waxa ay ka taagnaayeen deegaanno ka tirsan gobolka
Sool kuwaasi oo isku haya Gacan kuheynta gobolka Sool iyo deegaanada hoos
yimaada.
Waxaana iyana xusid mudan in dadka ku diriraya degmada Xudun
ay yihiin kuwo isku beel ah,laakiin kala taageersan labada maamul ee Khaatumo
iyo Soomaaliland.
Xafiiska wararka
Waayaha.net