Garoowe(WNT)-Waxa
xalay lagu dilay magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada
Booliiska Puntland,iyadoo dilkiisa ay gaysteen kooxo afka duubtay oo aan la
garaneyn.
Allaha naxariistee Cabdullaahi Xuseen (Gaal dile) oo ka
tirsanaa Saraakiisha Booliiska ee Puntland ayaa ka mid ahaa ciidamadii hore Booliiska
Soomaaliya ragga fara ku tiriska ah ee ka sii harsan,waxaana uu magaalada
Garoowe ka shaqaynayey muddo ku dhow 35 sano.
Allaha Naxariistee
C/llaahi Xuseen (Gaal Dile) ayaa kolkii la dilayey isaga afadiisu u adeeg tageen
magaalada,waxaana kooxo aan la garaneyn 3 xabadood la beegsadeen isaga oo
markaas furanaya gaarigiisa albaabkiisa,waxaanu ku geeriyooday isla goobtaasi.
Marxuumka ayaa ahaa nin dhib yar magaalada aad looga
yaqaanay,waxaana ahaa nin aan weligiis qof binu aadam dembi ka galin dadka oo
dhan saaxiib qaaliya la ahaa,waxaana dadku is weydiinayaan muxuu ka galabsaday
kooxaha dilkiisa gaystay?.
Dadka ku dhuqan
magaalada Garoowe ee yaqaaney C/llaahi Xuseen ayaa tacsi tiiraayo leh
gaarsiinaya, qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday,waxana ay illaahay u
weydiinayaan inuu janaddii firdowsa ka waraabiyo.
Waxa kale dadka deegaanku illahay weydiisteen inuu kashifo
kuwii dilka xaq darada ah gaystay siduu u siduu rabi u kashifay kuwii dilay wadaadkii
Soomanaa ee isagoo salaada subax tukaday lagu dilay magaalada Boosaaso.
Xafiiska wararka
waayaha.net