Nairobi(WNT)-Dowlada
Kenya ayaa dhowaan ku dhawaaqday,in qaxootiga Soomaalida eek u dhaqan
magaalooyinka waaweyn inay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga,kana baxaan
magaalooyinka,waxana hadda aad arkaysaa qaxooti badan oo ku sii qul qulaya
xeryaha Dhadhaab.
Inta badan qaxootigan
ayaa ka baxay magaalada Nairobi ganacsiyana ay ku lahaayeen,waxaana ay
magaalada Nairobi uga carareen ammaandari soo food saartay.
Qaxootigan ku sii qul
qulaya xerada Dhadhaabsan inaysan haysan wax kaarar ah ama aqoonsi ah,waxaana adag in
dadkaasi ay ku noolaadaan xeryaha.
Dhinaca kalena
wararka xerada qaxootiga Dhadhaab ayaa sheegaya
in dad badani ay dib ugu laabanaya dalkii Soomaaliya,iyagoo aaminay inay
dalkoodii aaminaan dibna ugu laabtaan.
Dalka Kenya ayaa go,aansaday in dalkooda gaar ahaan
magaalada Nairobi ay dadka Soomaalida ka saaraan,taasi oo ku micneeyeen ammaan
darri dalkooda soo food saartay.
Xafiiska wararka
Waayaha.net