Taliska Ciidanka Badda
Puntland ‘’PMPF’’ ayaa ka hadalay faahfaahin
dheeraad ahna ka bixiyey hawlgalo todobaadkan ay ka wadeen deegaanka Garacad ee
degmada Jarriiban ee gobolka Mudug oo ay
sheegeen in khasaare xoog leh gaarsiiyeen koox burcad badeed halkaasi markab ku
haystey ayna hataan go’doonsan yihiin.
Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo taliyaha Ciidamada
Badda Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in saddex ka tirsan burcada ay dileen
halka afar kalena ay gacanta ku dhigeen ,isagoointaasi raaciyey in Ciidanka
badda ay saddex askari ka dhaawacmeen.
Admiral Cabdirisaaq ayaa rajo ayaa ka muujiyey taliyuhu inay
ku guuleysan doonaan soo daynta dadka afduub lagu haysto muddo o iyo dheeraad ah,dadkaasina ay dhibaato ku
hayeen.
Shalay ayey ahayd
kolkii ciidamada badda Puntland ay qaadeen howl gal dhiig ku daatay oo isku daygiisu
ahaa in soo furtaan markab laga leeyahay dalka isu tagga imaaraadka carabta oo
muddo 2 sano iyo dheeraad ah ay haysteen burcad badeed isaga shaqaalihii
saarnaa.
Katankii markabkaan oo dhashay dalka Yemen ayaa horay waxaa u
dilay burcad badeeda Soomaalida,waxaana hadda ay gacanta ku hayaan in kabadan
20 shaqaale ah oo ka soo kala jeeda dalal kala duwan oo dunida ah.
Xafiiska wararka
Waayaha.net