Telefishin laga
leeyahay dalka Australia ayaa soo
bandhigi doona barnaamij ku saabsan Puntland iyo madaxweyne Faroole,barnaamijka
ayaa waxaa maalisay Special Broadcasting Service “SBS” oo soo saarta
barnaamijyo telefishin loogu talogalay dadka ku nool Australia.
Barnaamijku ayaa sida la sheegay lagu soo bandhigayaa ololihii isbeddel-doonka oo uu
madaxweyne Faroole ku hantay maamulka Puntland oo ay halistu kaga timid
burcad-badeed iyo xagjir hubeysan oo ”
argagixiso ah”.
Barnaamijka oo magaciisa la yiraahdo Welcome to Puntland waxaa
iyana uu muujinayaa sida madaxweyne Faroole oo dhalasho Australia hasyta
uu ugu guntaday adkaynta ammaanka maamulka Puntland iyo ku adkaysiga hirgelinta habka
federaalka oo uu u arko mid Soomaaliya
dib ugu ridi kara waddadii dib u curashada.
Madaxweyne Faroole ayaa loo doortay xilka madaxweynenimada
Puntland bishii Janaayo 2009kii. Wuxuu ku guuleystay hirgelinta habka xisbiyada
badan. Inkastoo hal sano loogu daray waqtiga uu haynayo xilka madaxweynaha,
waxaa xal loo helin oo taagan dood qaar ka mid ah la-loollamayaashiisu soo
jeediyeen oo ay ku diiddan yihiin kordhinta waqtiga maamulka madaxweyne Faroole
haynayo xilka.
Madaxweyne Faroole ayaa daliishanaya shirkii lagu ansixiyay dastuurka inuu ahaa
waddada loo maray kordhinta waqtiga sanad ah, Waa dood dastuuri ah oo
maxkamadaha Puntland ay eegi doonaan haddii
Dr Saadiq Eenow oo ah madaxa ururka Midnimo, sida uu sheegay, maxkamadda Puntland u
gudbiyo su’aalo ku saabsan tiirarka sharciyeed ee muddo-kordhinta maamulka
hadda ka arrimiya Puntland.
War bixnta oo English
halkan ka akhri: http://www.sbs.com.au/news/article/1718003/SBS-commissions-four-new-documentaries