Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti Idiris Cali oo ka
hadlay kulanka mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa baaq u diray mudanayaasha
baarlamaanka Soomaaliya,isagoo u sheegay in ay muhiim tahay in mudanayaashu ay
ogaadaan in ay yihiin wakiilada shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaad tihiin wakiiladii mataleyey shacabka soomaliyeed,shaqadiinu
ha ahaato kuwo si daacad ah u guta waan idin ku hambalyeynayaa hogaanka aad u soo
doorateen Soomaaliya ee dalka ku cusub” ayuu yiri Idiris Cali,isagoo intaasi
raciyey inay maadaama ay yihiin golihii sharci dejinta ay illaaliyaan sharciga
dalka u yaal.
Maanta ayey soo gaareen magaalada Muqdisho wafdi balaaran oo
uu hoggaaminayey guddoomiyaha golaha shacabka dalka jabuuti.
Xafiiska wararka
Waayaha.net