Bonn(WNT)-Boorso
ay ku jiraan wax yaabaha qarxa oo la dhigay xarun tareen oo u taal magaalada
Bonn ee dalka Germany ayaa loo xiray laba Soomaali ah,oo laga shakiyey
inay arrintan iyagu maleegeen.
Labada nin ayaa la siidaayey ka dib markii falkaasi lagu
waayey,waxaana la sheegay inay is waafiqi wayday tilmaan sawireed la siiyey
ciidamada Booliiska iyo labadan nin ee la xiray oo ah 30 jir iyo 35 jir,waxaana
la sheegay inuu tilmaantaasi bixiyey wiil yar oo 12 jir ah.
Labada Soomaali ah oo la xiray ayaa mid ka mid ah horay loogu
xiray falal la xiriira dhanka argagixisada,waxaana la sheegay isaga iyo nin
kale ay doonayeen inay u safraan dalka Pakistan.
Qareen u doodayey mid ka mid ah raga la xiray ayaa warbaahinta
u sheegay in Omar D.. ay war baahintu
xirtay,laakiin waa diiday qareenku inuu intaasi faah faahin ka badan bixiyo.
Boorsadan looga tegay ee laga shakiyey ayaa khal khal weyn
ka abuurtay isu socodka tareemada dalka Germany,iyadoo xilligu ku aadanaa
kolkii shaqooyinka laga rawaxayey.
Xafiiska wararka
Waayaha.net