Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Madaxa Ururka SOMA oo ka warbixiyay waxqabadkooda caafimaad ee ku wajahan Soomaaliya

MUQDISHO: Ururka SOMA (Somali Overseas Medical Association) oo ay ku bahoobeen Dhallinyaro Soomaaliyeed oo Cilmiga Caafimaadka ku bartay dalka Shiinaha ayaa ka warbixiyay waxqabadkooda iyo waxyaabaha qorshaha ugu jira inay mustaqbalka dhow ka fuliyaan dalkooda hooyo.

Madaxa SOMA Dr. Maxamed Ciise Raage ayaa ugu horeyn warbaahintan uga warbixiyay safarka uu ku yimid magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in ujeedooyinka ugu weyn ay tahay sidii ay dalka uga sameyn lahaa qiimeyn la xiriirta baahida Caafimaad ee dalka  iyo adeegga caafimaad ee aan dalka iminka laga helin.

 “ Ururkan  SOMA (Somali Overseas Medical Association) waxaa lagu asaasay dalka Shiinaha, waana Urur Caafimaad ee u istaagay inay wax u qabtaan bulshadooda kana samata-bixiyaan dhibaatada xagga caafimaadka  ee ka jira iminka dalka.  Waxaan Iskaashi la leenahay Dhaqaatiir Shiinaha u dhashay qorshaha ayay inoogu jirtaa inaan halkan keeno iyagoo muddo bil ah fulinaya adeeg caafimaad oo lacag la`aaan - Sidoo kale waxaan doonaynaa inaan dalka ka hirgelino Isbitaal weyn oo qaliin loogu sameynayo dadka uu dabka sida xun u waxyeeleeyay ama maqaarka dhib kaga dhacay iyo dhanka qurxinta (Burn and Plastic Surgery), howlaha aan iminka wadno waxaa ugu weyn sidii aan ku keeni lahayn qalab iyo adeeg caafimaad oo caalamka la saan-qaadaya.” Ayuu yiri Madaxa SOMA Dr. Maxamed Ciise.

“ Qiimeyn hordhac oo aan sameynay waxaa ku ogaaneynay baahidda Caafimaad ee dalka ka jirta, Cudurada dalka ku badan, Baahida isbitaalada xagga qalabka caafimaad si aan arimahaas uga jawaabno dadkana uga caawino, Iminka waxaan soo kormeernay  Isbitaalo waa weyn oo ku yaalo Gobolka Banaadir, xeryaha dadka soo barakacay – waxaan soo aragnay baahi aad u balaaran oo xagga qalab iyo daryeel caafimaad oo ay dadkeena u baahan yahiin in laga caawiyo sida ugu dhaqsiyaha badan” Ayuu ku daray.

Ugu dambeyn Madaxa SOMA Dr. Maxamed Ciise Raage ayaa tibaaxay inay kulamo la yeelanayaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna   balan qaaday inay dalka ku soo kordhinayaan waxqabad iyo adeeg caafimaad oo dadka Soomaaliyeed ay baahi  weyn u qabaan, wuxuuna u mahadceliyay inta gacanta ka gaysatay howlaha ay xaaladda dalka ku qiimeynayaan. Isagoo si gaar ahna u tilmaamay  Hay`adda Gift of the Givers oo uu sheegay  inay inta badan u sahashay howlihii ay ka fulinayeen Muqdisho.

 

Waxaa warka iyo sawirradaba ina soo gaarsiiyay:

Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2526-1-5520008/+14434409441
Email: saciid_buuna@hotmail.com   
Twitter:
@BUUNA2
Facebook: Click here 

 

 




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software