Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Xubno ka mid ah odayaasha iyo wax-garadka beesha oo beeniyay in wax ka ogaayeen qoraal haray magacyadooda loogu saxiixay.

Garowe (Puntlandi) Magaaladda Garowe ee caasimadda Puntland ayaa shalay waxaa shir balaaran ku yeeshay Nabadoonada, Aqoonyahanka, Culimadda iyo Waxgaradka Beesha Abokor Ciise (Ciise Maxamuud),

Shirka ayaa ujeedka loo qabtey waxa uu ahaa oo ay beeshu uga wada hadlayeen bayaan baaq ah oo laga soo saarey Garowe todobaadkii tagay, bayaanka ayaa lagu sheegay inuu ahaa baaq ay soo qoreen Waxgaradka, Cuqaasha, Culimadda iyo Nabadoonada Beesh Ciise Maxamuud.

Shirka waxaa joogay Odayaal, Nabadoono iyo Culimo ah oo bayaanka hore ee baaqa ah magacyadoodu ku suntanaayeen kuwaas oo shirka ka sheegay inaysan ka warhayn baaqaas ama bayaankaas saxaafadda loo qaybshay ee baraha Internetka lagu arkay magacoodana lagu been abuurtey saxiixa meesha ku qorana uusan ahayn koodii ee dad dano gaar ah oo khalkhal galin iyo isku dir ah ay ka danbeeyaan. 

Xaaji Yuusuf (Canbe) oo ka mid ah odayaasha magacooda lagu been abuurtey ayaa shirka ka sheegay inuusan waxba ka ogeyn, bayaanka uusana arkin, saxiixina, waxa uu Xaajigu sheegay inuu aad uga xunyahay in magiciisa lagu been abuurto isagoo ah Oday  muxtarim ah aad buuna  u canbaareeyey dadkii ka danbeeyey bayaankaas uu sheegay inaysan matalin dadkaas Beesha Abokow Ciise.

Samadoon Sakariye Bulxan ayaa isaguna ka mid ahaa cuqaashii lagu been abuurtey magacooda wuxuu sheegay inuusan ka warhayn, ogeyn talana kulahayn baaqa magiciisa oo saxiixan lagu arkay, waxa uu samadoonku sheegay inuu aad uga xun yahay arinkaas dadka ku kacayna uu canbaaraynayo hawsha ay ku jireen uu ka xun yahay.

Waxaa uu tibaaxay samadoonku in waxgaradka, cuqaasha iyo nabadoonada Abokor Ciise ay leeyihiin gole ay taladoodu ka go’do oo aan qarsoonayn kana weyn wax lala dhuunto oo meelo aan la aqoon lagu shaaciyo.

Nabadoon Ciise Caduur Macalin ayaa isaguna baaqa lagu qorey magiciisa ku tilmaamay been abuur iska hor keen ujeedkiisu ahaa kaas oo sheegay inuu si aad iyo aad ah uga xun yahay in waxgaradkii iyo odayaashii dhaqanka ee Beesha Abokor Ciise lagu been abuurto loona gafo magacyadooda iyo sharaftooda.

Waxgaradka lagu been abuurtay ayana ee madasha shirka beesha Abokor Ciise ka hadlay waxaa ka mid ahaa Maxamed Axmed Maxamuud (Saylo), C/casis Axmed Hiirad iyo waxgarad kale kuwaas oo dhamaantoodba ganafka ku dhuftey bayaanka horey uga soo baxay Garowe ee lagu sheegay in Beesha Ciise Maxamuud ay soo saareen kaas oo markii ay beeshu dib isugu laabatey magacyada ku qoran ay noqdeen waxgarad, odayaal iyo cuqaal u badan Beesh Abokor Ciise.

Shirka ayaa waxaa baaq loogu direy Dawladda Puntland iyo Shacabka Puntland ee horey u akhristey baaqii been abuurka ahaa ee lagu magacdiley beesha Ciise Maxmuud gaar ahaan Abokor Ciise Waxgaradkiisa,

Waxgaradka Beesh Abokor Ciise waxay sheegeen in wixii Baaq iyo Bayaan ah ee kasoo baxa Beeshooda aysan ahayn  wax la qariyo ayse baaqyadoodu yihiin kuwo maqal, muuqal iyo sawir leh ayna ku saxiixan yihiin Odayaasha talada beesha gudoonsha ee ay ka mid yihiin Nabadoon Maahir Yuusuf Aadan, Nabadoon Bashiir Cabdi Cali iyo Nabadoon Shaafici Xirsi Firato. 

Besshu waxay kaloo sheegtey in bayaan burin ah ay soo saarayaan kuna aadan mawqifkooda xaalada Puntland. 




   
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software