Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
VOA OO Ku Hawlan Burburinta Puntland

Codka Ameerika ama VOA waxay noqontay goobta laga qorsheeyo burburinta iyo isku-dirka beelaha Puntland.  Rag qaba in Puntland cagta-la-mariyo, oo uu ugu horeeye Cabdiraxmaan Yabarow, Maxamed Colaad, Cabdulaahi Kolombo, Haaruun Macruuf oo intaba ka soo jeeda hal beel baa waxay muddo dheer soo wadeen qorshe ah in Puntland labada jilbood dhulka loo dhigo, oo aanay siyaasad ahaan, milateri ahaan iyo bulsho ahaan shaqeyn, iyagoo kaashaanaya Cabdulaahi Samatar, ninka la baxay Cabdiraxmaan Gablax, nin sheegta “nabadoon” Yaasiin Cabdisamad .

Qorshaha Puntland lagu waxyeelnayo, iyadoo la isticmaalayo qalabka warbaahinta, gaar ahaan VOAda, waa qorshe laga soo shaqeeyey, oo muddo dheer soo socotay, ilaa waagii uu Alle ha u naxariistee madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf madaxweynaha ahaa. Waxaa la soo waday ilaa sanadihii Sheekh Shariif. Su’aashu waxay tahay VOAda, maxaa dan ugu jirta burburka Puntland? Haddii la soo kobo, waa rag u xaglinaya qabiilka ay ka dhasheen ee Hawiye, si ay u hirgeliyaan siyaasada ah in la abuuro dowlad Federaal ah, oo ay dowladda Muqdisho joogto si buuxdo uga soo hor jeedo.

Idaacada qabiileysan ee VOAda waxyaabaha ay ku burburineyso Puntland waxaa ka mid ah, had iyo goor waxay sii daayaan, baahiyaan warar aan sugneyn, oo iska hor keenaya beelaha Puntland ku nool ama beelaha iyo dowladda Puntland. Had iyo jeer waxay warestaan dad ku shaqeeya rabitaankooda, kuna hadla waxay ay dowladda dhexe damacsantahay, oo ah in Puntland cagta la mariyo, si awooda, dhaqaalaha iyo maamulka dalka oo dhan Muqdisho ay ugu ururaan, oo halkaas laga maamulo reer Puntland.  Had iyo goor waxay la xririir rag iyo dumar hadda ku soo biiray, oo dhaqaale ka qaata dowladda dhexe ee Muqdisho fadhida, si ay uga shaqeeyaan burburinta Puntland. Hadii aysan raggaas dhaqaale ka qaadan dowladda dhexe waxay loo ballan qaadaay jagooyiin aan la hubin.

Haddaba aan tusaalooyin soo qaato cadaneysa fashilka iyo xirfad xumada iyo qabiileysiga ka muuqda VOA. Tusaale ahaan waxay wareysteen Cabdirsaaq Afgaduud, oo aysan kala cadeyn oo si toos ugu xiran Xamar. Taariikdu Diseembar 7, waxay isu keenan rag ay ka mid yihiin nin sheegta magaca “nabdoon Yaasiin Cabdisamad, Caasha Geele,  iyo Cabdirashiid Seed, oo aan laga fileyn inuu dhex dabaasho goob lagu gowracayo Puntland.

Anshax Xumada VOA

Anshax xumada iyo aqoondarada ragga iyo dumarka ka shaqeeya VOAda waxaa ka mid ah, iyagoo hal meel isugu keena, oo weliba wareysta dadka ka shaqeeya burburka Puntland, si ay maamulka iyo bulshada Puntland wax uga sheegaan, weliba hadalo carqaladeyn kara Puntland. Tusaale waxaa noogu filan doodii cadaalada ka fogeyd oo ay VOAdu qabatay, lagu gowracay bulshad iyo maamulka Puntland. Waxaan ognahay in raggaas badankood ku xiranyihiin dowladda Muqdisho, oo ugu horeeyo Cabdirashiid Seed iyo ninka sheegta Nabadoon Cabdisamad. Waxaan ognahay oo kale in ay jiraan ballanqaadyo la doonayo in madaxweyne Faroole iyo dowladda Puntland qas lagu kiciyo, si Puntland loo geliyo khalkhal siyaasadeed, ka dibna uu burbur ka dhaco. Halkaas waxaa ka soo baxaya in Federaalisma burburo, oo ah qorshaha dowladda.

Cadowtinimada ay ragga ka shaqeeya VOAda u hayaan bulshada Puntland wax ku cusub ma aha, waxayna socotay ilaa kooxda Yaborow ay meesha qabsadeen, laakiin waxaad moodaa in ay ka sii dareyso, oo ay dhaaftay xadkii, taasna ay ugu wacantahay reer Puntland oo aan ka dhiidhin, kana hadlin. Maxay VOA uga hadli weyday, oo ay u wareysan wayday arrimaha Somaliland? Jawaabtu waa dowladda dhexe ee Xamar waxay taageertaa maamulka Hargeysa, oo uu weliba madaxweynaha Xamar fadhiya marar badan ka sheegay goobo fagaare ah.

Raggaas ku adeega beeshooda, iyagoo isticmaalaya idaacada Codka Mareykanka (VOAda), waxay ilowsanyihiin in idaacada VOAda ay ku shaqeyso canshuur laga soo jaray dadka Marakeynkan, oo aan aniga iyo dad badan oo reer Puntland ah ay ka mid yihiin. Maadaama ay ku shaqeyso lacagta laga soo qaado dalka, xaq inaan u leenahay inaan Washington tagno (Inshaa Allah mar dhow), oo aan dhex galno barnaamijiyada ka baxa idaacada iyo dadka xukumo.

Hanjbaad aan Taag lagu arag

Dastuurkii Puntland waxaa lagu ansixiyey bishii Abriil ee sanadkan magaalada Garoowe. Waxaa ansaxiyey 450 isimo, oo ka kala yimid dhammaan gobalada Puntland. Waxa kale oo ay odayaasha saxiixeen in dowlada Puntland ee madaweyne Cabdiraxmaan Faroole hoggaamiyo hal sano loogu daro, oo xilka hoggaanka si hayo inta laga gudbaayo xilliga kala guurka, si loo qabto doorasho xalaal ah sanadka 2014. Waa saxiix dhacay, la iskuna raacay. Waxaase ayaan daro ah nin sheeganaya “nabadoon,” Yaasiin Cabdisamad uu idaacadaha ka sii daayo hanjabaad taag daran, isagoo ku andacoonaya in wax walba ay gacanta ku hayaan.

Puntland waa dhul NABAD ah, oo ay dadka reer Puntland iyo beelaha kale ee ka soo qaxay gobalada ay nabad ugu noolyihiin, waxaynna isku raacday in dowladda madaxweyne cabdiraxmaan Faroole uu hal sanoo maamulka, inta laga gudbayo xilliga kala-guurka, waana la wada saxiixay, balse kooxda Yaborow ee idaacada VOAda oo adeegsanaya mucaarad been ah, oo weliba ku xiran Muqdisho ama lacag laga soo siiyey boos ugama banaanaan Puntland. Booska u bannaan waa inay xisbi furtaan ama xisbi ku biiraan oo isa soo sharxaan, haddii kale Puntland waxay leedahay ciidan adag, oo had iyo jeer u  heellan inay iska difacaan cadowga gudaha oo u adeegaya shisheeye iyo cadwoga dibada.

Reer Puntland Hurdada Ka Toosa

Dadka u dhashay Puntland ee ku nool gudaha iyo dibada hurdada ha ka toosan, oo ha iska qabtaan cadowtinimada shishe ee cabdiraxmaan Yaborow iyo kooxdiisa. Ma aha cadowtinimo uu qof kasta fahmi karo, waayo waxaa la isticmaalayaa waa dadkaaga, weliba kuwa u liita. Waxaa loo baahanyahay in reer Puntland ka tashtaan sidii looga hortegi lahaa cadowga Washinton isku biirsaday ee ka shaqeynaya burburka Puntland.

shiresumba@yahoo.com

Yaxye Shire (Shire Sumba)

Fiiro Gaara ah:Qof kasta xaq buu u leeyahay inuu AQOON, XOG iyo TALO gaarsiiyo dad-weynaha ama uu celiyo  JAWAAB.    

 

 




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software