Ku:Dowlada Puntland
Ku:Xisbiyada Puntland
Ku:Isimada Puntland
Ku: Dhammaan Saxaafadda Madaxa-bannaan ee dal & dibad Xarumahooda.
Ujeeddo: Bayaan & talo soo jeedin.
Waxaan shaki ku jirin in asaaskii & dhismihii Maamulka Dawladda Puntland ee la yagleeyey 1dii Bishii August 1998-dii uu ahaa tallaabo muhiim ah oo horay loogu qaaday guud ahaan dib usoo celinta midnimadii & dawladnimadii Ummadda Soomaaliyeed ee la burburiyey horraantii sannadkii 1991dii, gaar ahaanna ay wax weyn ka tartay danta & maslaxadda caamka ah ee dadka Reer Puntland dhan kasta.
Haddaba, in kasta oo Axdigii & qorshe-hawleedyadii Maamulladii kala dambeeyey ee Puntland soo maray tan & xilligaas si tifatiran loogu qeexay hirgelinta & gaarsiinta noolasha kala duwan ee Bulshadu ku taameysay hanashadooda, haddana waxaan la ankiri Karin in aaney hirgelin in badan oo qorsheyaashaas kamid ahaa oo aanu aaminsanahay in wax uun laga fulin karay, gaar ahaan, samaynta adeegyo Bulsho oo tayo leh, dalkana ku wada baahsan, xoojinta amniga & samaynta kaabayaasha sharciga, hirgelinta qorshaha dimuqraadiyeynta & samaynta dastuur rasmi ah iwm.
Nasiib wanaag waxaa xaqiiqo ah in Maamulka hadda jira ee uu Madaxda ka yahay Dr, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud uu noqday kii ugu horreeyey ee wax weyn ka qabtay baahiyaha ugu waaweyn ee Bulshada, kuwaas oo gundhigga u ahaa dadaalkii lagu dhisay Maamulka Puntland. Waxaa xusid mudan in Maamulkani waxqabad muuqda oo la taaban karo ka muujiyey baahiyaha ugu waaweyn ee bulshada reer Puntland, sida:
Tayeynta Hay’adda amniga iyo sugista Nabadgelyada.
La dagaallanka Burcad-badeedda, kooxaha Nabad-diidka ah,
Dhiirigelinta Maal-gashiga & Ganacsiga xorta.
Kor u qaadista Magaca iyo sumcadda Siyaasiga ah ee Puntland dal & dibadba, gaar ahaan mart-gelinta shirarkii Garoowe ka dhacay iyo kulamo muhiim ah oo heerarkoodu kala duwan yihiin, kuwaas oo aan horay loogu qaban Soomaaliya 20kii sano ee la soo dhaafay.
Baarista kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeenna ceegaagsan.
Dhismaha Maamullada degmooyinka & baahinta Maamulka.
Dadaal ku bixinta dhismaha dawlad Soomaaliyeed oo Federaal & dib u heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed ee collaaddu kala irdheysay.
Samaynta dastuur rasmi oo lagu ansixiyey gole guud oo ay wada fadhiyeen ergooyin metelaya qaybaha kala duwan ee Bulshada Reer Puntland, Beesha Caalamka & Madax ka socota Dawladda Soomaaliyeed.
Hirgelinta nidaamka dimuqraadiyeynta & Furashada Axsaabta Siyaasadeed oo looga guurayo nidaam beeleedkii, looguna guurayo nidaam-siyaasadeed caadil ah oo qof kasta helo xaqiisa siyaasiga ah ee uu wax ku dooran karo, laguna dooran karo.
Sidaas darteed, Beesha Ciise maxamuud markii ay qiimeysay:
Wax-qabadyada mugga weyn ee Maamulkani hirgeliyey intii uu jirey.
Baahida loo qabo in laga gudbo nidaam-beeleedka siyaasadeed ee aan caddaaladda Ijtimaaciga ah & tan Siyaasiga ah midna waafaqsanayn. Beeshanina ay kamid tahay beelaha ugu waaweyn ee nidaamkaasi saamaystay .
Tixgelinta ay mudan tahay in la helo Fursadda ugu yar ee aan looga maarmi Karin hirgelinta nidaamka axsaabta & dimuqraadiyeynta casriga ah.
Midnimada & wadajirka Ummadda reer Puntland oo aan sina gorgortan u gelin, lehna mudnaanta kowaad dhan kasta.Waxay ku baaqeysaa:
In Maamulka lagala shaqeeyo hirgelinta Barnaamijka Dimuqraadiyeynta & furashada Axsaabta.
In loo wada hawlgalo, mudnaanta kowaadna la siiyo adkaynta amniga, wadajirka, iyo Horumarka dadka Dalka Reer Puntland.
Magacyada waxgaradka Qaybaha kala duwan ee beesha Ciise maxamuud Bayaankan soo saaray dhamaan Jaaliyadaha kala joogawadanka dibadiisa sida Germay,Swetzerland,Holand,Sweden,Franch,Nowray xiriir badan kadib oo khadka tilifoonka 10.ilaa 13 bishan decenber waxaana isla qaadanahay hadanaahay jaliyadaha beesha ciisemaxamud in aan go’aansanay talo soo jeedintaan soo wada saarno, hoos ka akhriso magacyada oo idil.
1.nabadoon C/nur xirsi cali botaan
2.C/qaadir C/di.x.Cumar Xiriiriyaha jaliyadaha europ
3.Ciiro maxamed xasana Afhayeenka jalida pdf puntland oslo
4.Siciid qamaan boos
5.bashiir gurey dusaaye
6.xaajixasan dusaaye
7.Nuuro cali daahir
8.luul maxamed axmed gigriyow gudomiyaha jaliyada geneve
9.Cismaan xaajimahad bulxan
10.Nuur cali ciise dheere
11.Jibriin khaliif xayir
12.mxamed majagooye
13,dr.daahir Toox yare
14.mr.Maxamud cismaan yare
15.Cismaan daahir cumar
16.Daahir qamaan
17.abwaan C/casiis Yusuf Maax
18.Fizo Cali farax
19.ganacsade.bashiir awmaxamed C/raxmaan
20.xuseen doowdar
21.idil maxamed cumar
22.idil maafuuto
23.drs.caasho yusuf axmed
24.Idiris daahir cali
25.Daahir cali bacood
26.Maxamed C/laahi xasan garase
27.dramed yaasin jaamac
28.bashir cabdi cumar
29.Maxamud siciid farax
30.sh.maxamud siciid dirir
31.dr. yaasin qaasim farx
32.C/bashiir samantar
33.Ciiro salaad xirsi
34.Jaamac axmed cal
35.Farxiyo cali jamac
36.drs.Nasro C/laahi
37.maxamed daahir cali
40.dr.yaxye guuled cali
41.Saxafi C/fataax xaamid maxamed