Ciidamada dowlada iyo AMISOM ayaa goor dhowey si rasmi ah
ula wareegay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellada Dhexe, oo muddo
dheer ay gacanta ku hayeen ururka Al-shabaab.
In ciidamada dowlada iyo jaalkood AMISOM ay la wareegaan
magaalada Jowhar ayaa waxaa fududeeyey kolkii ururka Al-shabaab ay halkaasi
isaga guureen iyagoo kolonyo u galay dhulka dhulka howdka ee hoos taga gobolka.
Ciidamada dowlada iyo AMISOM ayaa muddo dheer abaabul ugu
soo jiray siddii ay ku qabsan lahaayeen magaalada Jowhar oo ah magaalada ugu weyn
eek u harsaneyd gacanta ururka Al-shabaab,waxaana ay la wareegeen saaka.
Magaalada Jowhar oo tan 2009-kii ay gacanta ku hayeen ururka
Al-shabaab ayaa ka mid ah magaalooyin fara badan oo ururkaasi lagala
wareegay,waxaana hadda ay isugu gurteen dhulka miyiga ah,oo ay adag tahay sidii
ay u sii jiri lahaayeen.
Xafiiska wararka
Waayaha.net