Waayaha.net
War hadda soo dhacay oo aan ka helnay magaalada Nairobi ayaa sheegay in xil-dhibaanka laga soo doorto deegaanka Kamankunji Yuusuf Xasan uu caawa dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay xaafadda Eastleigh, sida warka lagu sheegay, qaraxan ayaa lala beegsanayay Xil-dhibaanka oo caawa misaajidka Al-hidaayah kula hadlayay mujtamaca Soomaalida ah ee deggan xaafadda Eastleigh, waxaana walxaha qarxa loo dhigay meel ku beegan albaabka misaajidka xilli salaaddii cisha laga soo baxayay.
Xaaladda xil-dhibaanka ayaa sida ay ku waramayaan dad goob-joogayaal ah u ekayd mid aan sahlanayn, warkan ayaa intaas ku daraya in dhimasho iyo dhaawac ay jiraan laakiin aan laga hayn tiro sugan iyo inta guud ahaan uu khasaaraha la egyahay, iyadoo dhammaan dadkii dhintay iyo kuwii ay waxyeeladu ku soo gaartayba loola carary ay halkaas ka qaadeen hawl-wadeen caafimaadka oo iyagu halkaas ku yimid gurmad degdeg ah.
Waxay dad badan oo Soomaalida ku dhaqan xaafadda Eastleigh ay aaminsanyihiin in qaraxyada aan dhammaadka lahayn ee xaafaddas ka dhaca aan lagu eedayn karin oo keliya kooxda Al-shabaab, laakiin ay tuhunsanyihiin in qaraxyadan aysan ka marnayn xiisadaha siyaasadeed ee la xiriira doorashada lagu wado inay dhowaan ka dhacdo dalka Kenya.
Wali lama aqoonsan cidda ka dambaysay qaraxaan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Kenya oo la xiriira qaraxn, sidaasoo kalana ma jirto cid sheegatay mas’uuliyaddiisa.