Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Cilmi Baaris:Daaweynta iyo Liimo-Gunjida isku darsama waxay keeni karaan dhimasho.

Diyaarintii:Axmed-yaasiin M. Sooyaan.

Sida lagu sheegay war-bixin lagu faafiyay war-geyska daawada ka hadla  ee  ka soo baxa dalka Canada ee  Canadian Medical Association  Journal  waxaa aad u sii kordhaya dawooyinka dadka loo qoro  oo markaas ay dhici karto in markay la fal-galaan Liimo-gunjida (Grapefruit) ay  keenaan halis weyn ama  xataa mararka qaarkood  dhimasho.

Baaris ay samaysay jaamacadda Western University  ayaa lagu sheegay in Liimo-gunjida ay la fal gali  karto  in  ka  badan  85dawo oo afka laga qaato  oo ay ku jiraan  daawada  kolostaroolka hoos loogu dhigo  (Cholesterol-lowering Statins ), daawooyinka Kansarka, Qalajiyayaasha (Antibiotics)  dawooyinka  qofka dejiya, kuwa xanuunka loo qaato,  dawooyinka wadnaha loo qaato, iyo kaniiniyaal  aad loo isticmaalo.

Intii u dhexaysay 2008dii  iyo 2012, tirooyinka  dawooyinka  halista  ay ka dhalato marka  ay fal-galaan Liimo-gunjida markaasna keenaya  xanuun daran oo sababa in kilyaha  ay shaqayn waayaan ama  qofku  neefsan waayo,  iyo gaastiriikada  mindhicirada  dhiigga ka yimaado ( Gastrointestinal  bleeding ) tirade dawoyinkaasna  ay kor uga kaceen 17 ilaa iyo 44, dawooyinkaas ayaa kala bar  waxay keeni karaan dhimasho degdeg ah, haddii lala qaato cabbitaan Liimo-gunji  ama la cuno Liimogunjida laf ahaanteeda.

Kooxdan samaysay daraasaddan ayaa iyadu labaatan sano ka hor waxay sheegeen in liimo- gunjida carqaladayso habka metabolism-ka jirka (macnaha nidaamka jirka  dhismo ahaan iyo kimiko ahaan uu u soo saaro, ama u burburiyo walxaha  isla markaasna ugu bedelo tamarta (Energy) waana habkaas mid la mid ah qaabka uu jirku u bedlo daawada.

Taasi waxaa  macnaheedu  yahay in  jirka  qofka laga heli karo dawooyin iska dhex yaala, kuwaasoo ay ka samaysmi karayso qashin sun ah  ama walaxo heer dhimasho sabab u noqon kara, waxaa hab dhismeedkaas oo kale leh  miraha kale ee citrus-ka laga helo,   sida  liinta Seville  oranges(sawirka fiiri) waan tan laga sameeyo  malmalaaddada (Marmalade) sidaasoo kale Liinta dhananaan  (Limes), iyo limo bambeelmada (Pomelos) laakiin kuma jirto Oranjiga caadiga ah (Regular Orange)

.

Falka lidka ku ah daawada ee Liimo-gunjada waxay qaadan kataa inuu dhaco muddo saacadao ah ka dib marka uu qofku cabo casiir Liimo-gunji ah ama uu miro ahaan u cuno, taasoo ku filan inuu fal-galkaas horseedo halis aad ah, sida lagu sheegay war-bixinta cilmi baarista.

Dawooyinka  baaritaanka  lagu  sameeyay  dhammaantood  waa  kuwo  afka  laga  qaato  wadaagana dabeecado xaaladeed, waxayna leeyihiin heer xaddidan oo ay ku gaarayaan meeshii loogu talo galay (Bioavailability)  taasoo macnaheedu yahay in tiro yar oo ka mid ah daawada ay raacayso dhiigga.

Inkastoo ay xogtaan qayb ka tahay war-bixino xagga daawaynta ah hadana dad badan oo ay ku jiraan DHaqaatiir baan ka foojignayn khatarta cilmi baaristan lagu sheegay, dawooyinka sida aadka ah ula fal gala Limmo-gunjida waxaa ku jira kuwa soo socda:

 statins((Zocor, Lipitor)  Dawooyinka hoos u dhiga Kolestaroolka ( Cholesterol) .

Procardia, Nimotop, Sular, dawooyinka loo qaato dhiig karka, ama yareeya inay wax-yeelo dhiigu sababay soo gaarto maskaxda (Nimotop )

Maxay yihiin Fal-galada (Interactions) dhici kara?  

Waxaa iyadana khataraha la hubo ka mid ah daweynta xaaladahan:

·         Qaadashada daawada Buspar ee loo qaato (anxiety) daalka faraha badan, kacsanaanta, warwareerka, cabsida.

·         Qaadashada daawada Cordarone ee loo qaato garaacitaanka wadnaha ee aan caadiga ahayn (hoseeya ama sareeya) Heart arrhythmias.

·         Qaadashada daawada  Zoloft  ee loo qaato murugada, walaaca,cabsida Depression-ka

·         Qaadashada dawooyinka Tegretol iyo  Carbatrol, ee loo qaato  Qalalka ama Nerve xanuunka (Seizure or Nerve Pain).

·         Qaadashada daawada Malaria-da ee Quinine.

·         Qaadashada daawada Halcion ee hurdo la’aanta (Insomnia), waana  dawooyinka ugu badan ee dadka ay qabatimaan ee suuqyada  yaala.




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software