Waxaa maanta Jimce gelinka danbe lagu wadaa inuu booqdo Gaza
madaxa ururka ururka Xamaas Khalid Mashcal,oo muddo 45 sano ah aan cag dhigin
dalkaasi,xanimaad siyaasadeena dalkaasi oo ay ka saaraydayaa maanta caga dhiganayaa Gaza.
Waxaa uu ka qayb galayaa 25 guuradii ka soo wareegtay kolkii
la asaasay ururka xamaas,waxaana uu farxada guusha ay gaareen la qaybsanayaa
dadka reer Gaza ee mudada dheer xabsiga dunida ugu weyn ku jiray.
Khaalid Mashcal ayaa ka huleelay daanta Galbeed isaga oo 11
sano jir ah,waxaana imaatinkiisa maanta soo dhoweeyey dagaalkii 8 maalmood
socday ee la galeen Israil ee keenay dhimashada iyo dhaawaca tirada badan,kaasi
oo aakhirkii heshiis laga gaaray.
Khalid Mashcal ayaa joogi doona xeebta daanta Galbeed muddo
48 saacadood ah,waxaana ka soo horaysay oo iyana shalay soo dhaaftay marinka
Rafa afadiisa.
Wadaadkaan oo horay ugu noolaa dalka Siiriya ayaa iminka u
guuray dalka Qadar oo uu guri ku leeyahay,waxaana geedigiisa sababay dagaalada ka
curtay dalka Siiriya.
Waxaa isna filayey inuu soo gaaro daanta galbeed madaxa
ururka ISlaamic Jihaad Ramadaan Shallah,waxaase arintaasi diiday
Yuhuuda,waxaana loo malaynayaa inuu safarkiisa ka baaqan doono.
Waxaa la filayey inuu bilowdo dabaal degga ururka xamaas 14
bishan ay ku jirro,waase laga soo hor mariyey waqtigaasi,waxana uu soconayaa
muddo, si wadaadka Khaalid Mashcal uu ugu khodbeeyo.
Xafiika wararka
Waayaha.net