Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Deg deg:Gaalkacayo oo saakay madaafiic ku waabariisatay

Saaka subaxnimadii  ayaa waxaa madaafiic aan loo meel deyin ,waxay ku soo dhacay guryo ku yaalla xaafada Israac  ee waqooyiga magaalada Gaalkacayo,madaafiicdaasi oo sida la sheegay dumisay qeybo ka mid ah guryihii ay ku habsadeen.

Lama soo sheegin wax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ay gaysteen madaafiicdaasi,waxaase bur bur xooggan soo gaaray guryo ku yaalla xaafada Israac, waxaana la xaqiijiyay in hubkaasi ay soo tuureen maleeshiyaad  reer Gal-mudug ah oo kolkaasi ku sugnaa xaafadda Baraxlay.

Ma jirto illaa hadda cid ka hadashay weerarkaasi, waxaana jira dadweyne farabadan oo xaafada deggan kuwaasi oo ku soo xoomay halka madaafiicdu ay ku dhacday oo ah xaafado dad shacab ah deggan yihiin.

Waxaa si weyn looga dareemay magaalada Gaalkacayo hugunka iyo hanqarka madaafiicdaasi,waxana la dareemayaa ammaan darri soo food saartay magaalada Gaalkacayo.

 Ammaan darida ka jirta magaalada Gaalkacayo ayaa inta badan loo tiiriyaa inay ka timaado dhinaca xaafada Baraxlay ee maamulka Galmudug oo uusan ka jirin maamul awood leh iyo kale kala danbayn.

Maamulka Galmudug ayaa iminka waxaa isku haysta ilaa 3 madaxweyne oo ku wada sugan magaalada Gaalkacayo,waxana inta badan laga cabsi qabaa inuu yimaado isku dhac dhexdooda ah,waxaana dad badani qabaa arintaan weerarka waqooyiga magaalada Gaalkacayo inuu yahay mid dadka lagu marin habaabinayo laguna yaraynayo khilaafka halkaasi ka jira.

Xafiiska wararka Waayaha.net




   
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software