Raisal wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa
wareysi gaar ah oo uu siiyey Telefishinka Aljazeera ku sheegay in uu diyaar u
yahay inuu wadahadal dhab ah lagalo wadanka dagaalka ka dhaxeeyo ee Eriteria.
Hailemariam Desalegn ayaa wareysigiisa ku sheegay inuu
diyaar u yahay inuu tagayo caasimada Asmara isla markaana heshiis rasmi ah la
galo xukuumada Issias Afewarke ee wadanka Eritereya.
“xiligan umma baahnin inaan annagu dagaalanno ee waxaannu u
baahanahay inaan iska kaashano sidii aan ulla dagaalami laheyn faqriga iyo gaajada…”
ayuu yiri Raysalwasaare Hailemariam Desalegn oo intaasi raaciyey inaysan dhib
ku ahayn uu tago Casmara lana hadlo Asise Afiwaqi .
Hailemariam Desalegn ayaa waraysigiisa ku daray in Raisal
wasaarihii hore Meles Zenawi uu in ka
badan 50 jeer isku dayey inuu wadahadal la galo dalka Eritereya balse dowlada
Eriteria ay iyadu diiday.
Dalka Eriteria ayaa
ka go’aday dalka Itoobiya 1993dii, waxayna labada dal ku dagaalameen magaalada
Badme ee saaran xadka u dhaxeeya wadamaasi.
Collaadda ayaa salka ku haysay arrimo dhaqaale laakiin waxaa
la sheegay inay ku salaysneyd dhinaca xuduuda waxaana dagaaladaasi ku dhintay
in ka badan boqol kun oo ruux,waxana la sheegaa in collaadani bilatay kolkii
dalka Eriteria ay ku dhawaaqeen inay samaysteen iyaga lacag u gaar ah.
Intii ka danbaysay dagaaladaasi waxa bustoon waayey dhaawii
uu gaystay khilaafkii siyaasadeen ee u dhexeeyey labada labadii nin qaraabada
ahaa mudadana soo wada jamhadeeyey iyo guud ahaan dadka reer Ethiopia.
Xafiiska wararka
Waayaha.net