Madaxweynaha dalka Turkiga Cabdalla Guul ayaa shaaca ka qaaday arabadii
shalay in shacabka iyo xukuumadda dalka Turkiga ay siin doonaan Soomaaliya
taageero weyn oo dib loogu dhisayo, si ay beesha caalamka ugu noqdaan tusaale
la raaci karo.
Madaxweynaha ayaa hadalkaan
ka sheegay shir jaraa'id oo ay wadajir u qabteen isaga iyo madaxweynaha
Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga isla dalka Turkiga.
Dowladda Turkiga ayaa sannadkii hore olole lagu caawinayo
dadka Soomaaliyeed ka sameysay Muqdisho, ka dib markii uu booqasho ku yimid
ra'iisul wsasaaraha dalkaas, Recep Tayyip Erdogan xilli ay beesha caalamku aad
uga baqayeen inay booqdaan Soomaaliya oo ay colaado ka jireen,iyadoo imaatinta albaaba
u furay madax fara badan oo awal cabsi ka qabay imaatinka dalka Soomaaliya.
Turkiga waxay safaarad ka furteen Muqdisho iyagoo sidoo
kalena billaabay inay diyaaradahooda duullimaadyo caalami ah ku tagaan Muqdisho
markii ugu horreysay muddo ka badan labaatan sano.
"Arday Soomaaliyeed oo gaaraya 1,600 ayay dowladda
Turkigu siisay waxbarasho heerar jaamacadeed ah, kuwaasoo wax ka barta
dalkan," ayuu yiri Guul oo intaas raaciyay: "Turkiga waxay sidoo kale
ka caawinayaan Soomaaliya dhismaha qaybaha kala duwan ee ciidamada sida
milateriga iyo booliiska."
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa isaguna sheegay in booqashada
uu ku tagay dalka Turkiga ay tahay mid uu ku adkaynayo xiriirka labada dal oo
dib u billowday, wuxuuna xusay inuu la kulmi doono inta uu ku sugan dalkaas
ganacsatada Turkiga si ay maalgashi ugu sameystaan dalka Soomaaliya.
Xafiiska wararka
Waayaha.net