Tahran-dalka Iran
ayaa shaaca ka qaaday inay qabsadeen diyaarad nooca aan duuliyaha aan lahayn ah
oo laga leeyahay,dalka Maraykanka ka dib markii hawadooda ku soo xad gudubtay
oo ay soo gashay sida lagu sheegay warbaahinta dalkaasi.
Diyaaradan oo lagu magacaabo The ScanEagle Drone ayaa ahayd
mid xog ururin ka waday biyaha badda carbeed,waxaana ay soo gashay hawada dalka
Iran,waxaana qabtay ciidamada xarusul kacaanka,sida maanta oo Talaado ah ay
qortay wakaalada wararka ee Fars News iyadoon wax faah faahin oo kale aan
bixin.
Bishii la soo dhaafay ayey ahayd kolkii dawlada Maraykanku
ay sheegtay in diyarad ay leeyihiin oo hawada caalamiga ah ku jirtay ay bur
buriyeen ciidamada cirka dalka Iran,waxaana Iran sheegtay inay hawadooda ku soo
xad gudubtay.
Diyaarada ScanEagale ayaa waxaa sameeyey shirkada Boeing
,sida lagu soo qoray bog shirka leedahay,waxaana intaasi ay raaciyeen in
diyaarada dhererkeedu ahaa 4FT balaceedduna ahaa 10FT.
Waxaa jirta xurguf aan daawo lahayn oo u dhexaysa dalka
Maraykanka iyo dalka Iran,oo dalka
Maraykanku ku macneeyeen inay sanaymaysanayaan,
hubka wax gumaada laakiin qorsha ka danbeeyaa uu yahay ilaalinta Yuhuuda ku
dhaqan bariga dhexe.
Xafkiiska wararka
Waayaha.net