Waayaha.net
Minneapolis, Minnesota(December2,2012):-SHir si weyn loo soo agaasimay oo xalay lagu qabtay Al-nuur Media Center ee magaalada Minneapolis oo ayaa waxaa jaaliyadda Puntland ee gobolka Minnesota ay si weyn ugu taageertay jaaliyadda barnaamijka ay dowladda Puntland rabto in loogu gudbo habka xisbiyada faraha isla markaasna looga baxayo habka hadda jira ee beelaha ku salaysan.
SHirkan oo ay soo qabanqaabiyeen odayaasha iyo wax-garad ka tirsan jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan magaalada Minneapolis ayaa waxaa isagana khadka telefoonka kula soo xiriiray wasiiru-dowlaha maamul wanaaga Puntland Max’ed Faarax Ciise Gaashaan oo isagu jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota uga mahad celiyay taageerada ay muujiyeen kuna ammaanay jaaliyadda dadaalka ay geliso inay taageerto mashaariicda lagu horumarinayo dalka iyo amniga, wuxuuna si gaar ah afka ugu dhuftay inuu rajayniyo in la soo dhamays tiro dhismaha maamul goboleedada dhiman sida Hiiraan, Juboland, iyo Bay iyo Bakool iyo gobollada dhexeba.
Max’ed Faarax Gaashaan, ayaa dadkii kulanka fadhiyay ku dhiirri geliyay inay sii wadaan gacanta ay siiyaan dadka gudaha ku jira, sida in shaqooyin loo abuuro, in dalkii lagu soo noqdo, wuxuu sidaasoo kale muujiyay taageerada ay u hayaan dowladda Federal-ka ah, wuxuuna Soomaalida ku nool Minnesota ku ammaanay inay yihiin dad wadaniyiin ah aadna u jecel dalkooda wuxuuna ku booriyay in dalkoodii wax ka qabsadaan oo ku soo laabtaan.
Waxaa sidaas si la mid ah hadalo ka soo jeediyay qaar ka mid ah odayaasha iyo wax-garadka jaaliyadda iyo marti sharaf kale oo lagu marti qaaday ka soo qayb galka kulankaas, dhammaan odayaashii iyo wax-garadkii ka hadlay shirka ayaa si weyn oo ay niyad sami ka muuqato u muujiyay taageerada ay u hayaan in Puntland laga dhaqan geliyo axsaabta faraha badan, waxayna ugu baaqeen dad-weynaha reer Puntland inay adkeeyaan midnimadooda iyo amniga, dowladdana ay ku taageeraan dhaqan gelinta xisbiyada faraha badan.
Kulankan ay jaaliyaddu ku taageerayso barnaamijka axsaabta faraha badan ee dowladda Puntland ayaa waxaa ka horeeyay bayaan ay horay u soo saartay jaliyadda oo ay ku muujisay mowqifkeeda ku aaddan dhaqan gelinta axsaabta faraha badan.


































