Ceelbarde(WNT)-Dagaal
khasaare gaystay ayaa ka dhacay degmada Bardaale ee gobolka Bay kaasi oo u
dhexeeya ciidamada dawlada iyo kuwa ururka Al-shabaab.
Inta la xaqiijyey ilaa 5 ruux ayaa ku dhimatay dagaalkaan oo
ahaa mid aad u xoogga,waxaanna mas'uuliyiinta gobolka Bay iyo ururka Al-shabaab
midba dhiniciisa gaar ugu sheegtay inay
iyagu weerarka qaadeen, iyadoo guddoomiyaha gobolka Bay uu sheegay in
howgalkaas ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-shabaab iyo afar xubnood oo kale.
C/fitaax Max’ed Geesay
guddoomiyaha gobolka Bay ayaa intaasi ku daray in sarkaalka ay ku dileen
howgalka uu horay u ahaan jiray taliyeyaasha booliiska gobolka Bay, balse uu ku
biiray Al-shabaab uuna hadda ahaa mid ka mid ah hoggaamiye yaasha ururka
Al-shabaab.
Dhiacoodana ururka Al-shabaab ayaa sheegatay inay iyagu weerar ka ku qaaday
ciidammada dawlada, ayna halkaas ku dileen tiro badan oo ciidammo ah, inkastoo
aysan caddayn khasaaraha gaaray inta uu leegyahay.
Wararka ku aadan
dagaaladan ayaa sheegaya in khasaaruhu intaasi ka fara badanaa magaalada
Baydhabana la soo gaarsiiyey tiro badan oo dhawac ah.
Gobolka Bay ayaa weli waxaa ku xoog weyn ururka
Al-shabaab,marka laga reebo magaalooyinka oo ay la wareegeen ciidamada dawlada
iyo kuwa Ethiopia oo isku jaal ah.
Xafiiska waraka
Waayaha.net