Baydhabo(WNT)-Maxaabiis
ku xir xirayd xabsiga magaalada Baydhabo
oo looga shakisnaa inay ka tirsanaayeen ururka Al-shababa ayaa ka baxsay xalay
xabsiga degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo mas'uuliyiinta
gobolkaas ay u sheegeen warbaahinta inay socdaan baaritaanno la xiriira sidii
maxaabiistaasi oodda u jabsadeen.
Wararka hordhac ah oo soo baxaya ayaa shaaca ka qaaday in
maxaabiistan ay jabsadeen darbiga xabsiga, halka warar kalena ay oranayaan in gacan ay ka
helleen saraakiisha xabsiga ilaalisa ayna u fudeeyeen inay xabsiga ka
baxsadaan, iyadoo tani ay noqonayso markii labaad oo xabsiga baydhabo ay ka
baxsadaan maxaabiis loo haystay inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.
Ciidamada dowladda ayaa maalmihii ugu dambeeyay howgallo
lagu soo qabqabtay dad fara badan oo lala xiriirinayo inay Al-shabaab ka tirsan
yihiin ka sameyey degmada Baydhabo iyo daafaheeda.
Waxaan iyana dhinacooda wax hadal ah ka soo saarin mas'uuliyiinta
xabsiga degmada Baydhabo oo la xiriira maxaabiistan baxsatay, inkastoo wararku
ay sheegayaan in weli xabsigaas ay ku jiraan maxaabiis kale oo qaarkood loo
haysto inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.
Maxaa xarunta ah ee Baydhabo waxay ka mid tahay degmooyinka
ay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Ethiopian ay ka saareen ururka
Al-shabaab,waxaana tan xilligii magaalada laga qabsaday ururka Al-shabaab ay
wadeen dagaal iyo qorshayaal abaabulan oo kaga soo horjeedaan ciidamada isku
dhafka ah .
Xafiiska wararka
Waayaha.net