Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) oo shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Gaalkacyo ayaa shaaca ka qaaday in ammaanku soo wanaagsanaday ka dib markii ay halkaas gaareen cutubyad birmadka ee ciidammada Puntland, kuwaasoo uu ku tilmaamay inay wax muuqda ka qabteen ammaanka magaalada Gaalkacyo.
"waxaan cadaynaynaa ciidmmada uma imaan halkaan inay dugsiyada iyo misaajidda ay la dagaalamaan, bal waxay u yimaadeen in dadka gobolka Mudug oo laga hor istaagay inay Alle caabudaan oo misaajidada kukadaan inay misaajiddada u fasaxaan.." Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Tigeey.
Wxuxuu sidaasoo kale mahad u celiyay dad-weynaha magaalada Gaalkacyo oo uu sheegay inay gacan siiyeen ciidammada amniga, dhammaan wuxuu ku ammaanay qaybaha kala duwan ee bulshada inay ciidammada kala shaqeeyeen xogta, iyo inay hada iyo goor digniin soo gaarsiiyaan, taasoo uu ku tilmaamay inay talaabada ugu muhiimsan ee ammaanka.
Wauxuu sheegay Tigeey in laga mamnuucay magaalada Gaalkacyo in hub sharci darro ah la dhex maro ama lagu haysto magaalada Gaalkacyo gudaheeda, wuxuuna cadeeyay in xarumo badan oo ay awal fadhiyi jireen kooxo Argagixiso ah iyo kuwo bur-cad badeed ah ay maanta sal-dhigyo u yihiin ciidammada dowladda, wuxuuna sheegay inaysan Galkacayo sidii horay u dhici jirtay aysan noqonayn meel loo sii maro burburinta Puntland.