Booliiska dalka Holland ayaa waxaa la sheegay inuu cagta mariyey teendhooyinkoodii islamarkaana uu xabsiga u taxaabay qaxooti Soomaali iyo wadamo kale isugu jira oo mudo dhowr bilood ah ku sugnaa teendhooyin ay ka dhisteen magaalada Amsterdam ee dalkaas Holland.
Ciidamo booliis oo aad iyo aad u fara badan ayaa waxaa la sheegay inay soo gaareen aroor hore oo subaxnimo kaam ay teendhooyin ka sameysteen qaxooti Soomaaliyeed iyo wadamo kale kuwaas oo sheegay inaysan garaneynin meel afka saaraan maadaama qaxootigaas looga diiday in wax sharci ah laga siiyo dalkaas oo loosheegay inay dib ugu noqdaan dalkooda, Booliiska oo falkaas ku dhaqaaqay ka dib markii ay maxkamadu ay amar ku bixisay in teendhooyinkaas la rafaco oo ayna qaxootigaas goobtaas faarujiyaan ayaa waxaa goobtaas is hortaag ay kala kulmeed dad u dhashay dalkaas Holland oo ka soo horjeeday in qaxootgaas la bur buriyo kaamkooda ayagoona ay dadkaas ay xireen irida laga galo kaamkaas si aysan booliisku ugu suuro galin inay galaan xeradaas sheegeen inay tahay wax laga xumaado in qaxootigaas hoyga kaliya ee ay heystaan laga saaro, laakiin booliiska ayaa dadkii ka hor yimid xoog ku muquuniyey, ka dibna u gudbay inay gudaha u galaan kaamkaas oo ayan halkaas mid mid ay uga soo saareen qaxootigii ku jirey teendhooyinkaas iyadoona baaritaan ka dib lagu daad gureeyey qaxoorigaas oo loo dhaadhiciyey xafiiska qaabilsan dadka aajanabiga ah ka dibna xabsiga la dhigay.
Ugu dambeyntiina iyadoo wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in qaar ka mid ah qaxootigaas la qabtey oo ay tiradoodu gaareyysay ilaa iyo 107 qofood laga sii daayey xabsiga gaar ahaana Soomaalidii ka tirsaneyd qaxootigaas oo ay booliisku ka qabteen goobtaas ka dib markii ay ka dhega adeegeyn inay si aqyaarkood ah ay goobtaas u faarujiyaan, ayaa waxaan wali la ogeyn halka ay abaareen qaxootigaas, Laakiin waxaa la saadaalinayaa inay mar kale dib isu aruursan doonaan oo ay meel kale ka dhisan doonaan teendhooyin cusub maadaama aysan jirin meel ay ku noolaan karaan qaxootigaas, Laakiin sidoo kale ayaa magaalooyinka waaweyn ee dalka Holland qaar waxay mamnuuceen in ay qaxootigu ay ka sameystaan teendhooyin iyadoo kuwo kalena ay sheegeen inay isha ku hayn doonaan oo inteysan faraha ka bizxin oo aysan qaxooti badan isku soo aruursan ay baabi'ķn doonaan teendhoyinkaas, Goobtii qaxootigaas xooga looga saarey ayaa waxaa islamarkiiba laga bilaabay nadiifin iyo dib u habeyn balaaran si loogu soo celiyo siday ahayd goobtaas ka hor inteysan degin qaxootigaa.
Halkaan ka daawo: http://www.youtube.com/watch?v=OEcjAgOuEOo
Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com