Madax-weynaha dowladda Puntland Cabdi-Raxmaan Max'ed Faroole iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo malmahan booqasho ku marayay gobollada Karkaar iyo bari ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso, wafdiga madax-weynaha ayaa waxaa halkaas si weyn ugu soo dhoweeyay xubno ka mid xukuumadda oo horay halkaas ugu sugnaa, mas'uuliyiinta gobolka iyo dad-weynahaa magaalada Boosaaso.
Booqashada wafdiga ayaa sida la sheegayo waxaa ay ku salaysantahay u kuur galayo habaka diyaar garowga deegaanadaas ee la xiriira sidii gobolada Puntland ay uga dhaqan geli lahaayeen hanaanka xisbiyada faraha badan iyadoo uu madax-weynaha iyo xukuumaddiisa horay ugu dhawqqeen xisbigooda HORSEED.