Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Daawo: Gabar yar oo 13 sano jir ah oo gowracday gabar yar oo walaasheed ah oo laba sano Jir ah‏

Dhacdo naxdin leh ayaa waxaa la sheegay inay dhacday dalkaas Mareykanka ka dib markii gabar yar oo 13 sano jir ah ay gowracday oo ayna mindi ku dishay gabar yar oo walaasheed ah oo 2 sano jir ahayd arintaas oo naxdin iyo yaab ku beertay dad badan oo ku nool dalkaas iyo aduunkaba.

Gabadha lagu magacaabo Tyasia Jackson oo 13 sano jir ah oo ku nool meel u yara dhow magaalada Atlanta, Georgia ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay waalidkeed ay uga tageen inay ilaaliso walaalaheed oo ay ku jirto gabadha yar ee lagu magcaabi jirey Sasha Lamaya Ray oo 2 sano jir ahayd, laakiin gabadhaas ayaa waxaa la sheegay inay walaasheed ay mindi la dhacday iyadoona ilaa iyo 7 jeer tooreysay gabadhaas yar ee walaasheed ah ka dibna ka soo tuurtey balakoonka guriga taas oo keentay inay u dhimato gabadhaas yar dhaawacii ka soo gaarey tooriyentaas, gabadhaan wax dishay ayaa waxaa la sheegay inay ka carootey ka dib markii wiil kale oo ay wax kala dhexeeyeen oo guriga ugu yimd ay haweeney daris yihiin ay ku amartey inuu asaga tago gurigaas, Haweeneydaan la dariska ahayd qoyskaas ayaa waxay aragtey iyadoo wiilkaasi uu gurigaas galaayo taas oo keentey inay ku wargaliso waalidkii caruurtaas arintaas iyadoona hooyadii dhashay caruurtaas ay ka codsatey haweeneydaas inay wiilkaas ka ceyriso guriga iyadoona ay haweeneydii ay wiilkaas dibada uga saartey guriga xilli uu kku dhuumanaayey oo uu isku qarinaayey armaajo taalay guriga, Laakiin gabadhaan dishay walaasheed ka yar ayaa u aragtey inay gabadha yari ay ka dambeysay falkaas oo ayan iyadu sheegtey xiriirka hoose ee ka dhexeeyey wiilkaas iyo iyada taas oo keentay inay walaasheed ay halkaas ku dishay. 

Ugu dambeyntiina iyadoo gabadha la dilay aabaheed oo lagu magacaabo Shelton Ray uu sheegay inay la soo gudboonaatey masiibo weyn ayaa waxaa kale oo uu sheegay inay gabadhiisa kale ay kala soo xiriirtey xabsiga oo ayna u xaqiijisay inay dishay walaasheed, asagoona intaas raaciyey inay ku habsatey laba masiibo oo midi ay tahay gabadhoodii dhimatey iyo tan kale oo ah gabadhooda kale ee la dhigay xabsiga, aabahaas ayaa sidoo la e sheegay inay mar walba taageero la garab taagan yihiin gabadhooda inkastoo ay dishay walaasheed ka yar, sida ay sheegtay xeer ilaalinta kiiskaas faraha ku heysa waxaa gabadhaas loo maxkamadeyn doono sidii qof weyn oo kale taas oo keeni karta inuu ku dhaco xukun.

Halkaan ka daawo: http://www.youtube.com/watch?v=JDuQw-ZlVuw

Abdirizak M. (Xiireey)

Holland

Abdirizakxiireey@hotmail.com




   
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software