Allaha naxariistee waxaa x alay 27/11/2012 ku geeriyooday magaalada Garoowe nabadoon caan ahaa, soo jireenna ahaa C/llaahi Jaamac Ismaaciil (Careef).
C/llaahi Jaamac Dheere (Careef) ayaa ahaa nabadoon caan ahaa muddo dheerna soo shaqaynayey,waxaanu ka mid ahaa haraadiga nabadoono soo jireen ahaa,dalka Soomaaliyana qiimo fiican ugu fadhiyey.
Careef Allaha naraxiisteen ayaa ahaa nin aad uga dhex muuqda nabadoonada Puntland,waxaanu ka mid ahaa nabadoonadii iyo cuqaashii wax ka asaasay maamulka Puntland illahay naxariistii janno ha ka waraabiyo.
Hadaba qurba joogta reer Puntland gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolka Nugaal ee ku dhaqan Europe America,Australia iyo Africa waxay tacsi Tiiraayo leh u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha naxariistee C/llaahi Jaamac Ismaaciil (Careef),illaahayna waxay u weydiinayaan inuu janadii Ferdowsa ka waraabiyo.
Si gaar ah waxaa tacsidan u diraya
Cabdi Salaad Cali
Max’ud Cismaan Xaynwade
Eng Nuur Xusen (Dab manoolyahay)
Max’ed Xaaji Farax
Max’ud Yuusuf Cali Xoosh
C/risaaq Yassin Caanogeel
Axmed Max’ed Sooyaan
Max’ed Nuur Salaad
Max’ud Axmed Rabaax (Dhiice)
C/llaahi Garaad
Haddii aanu nahay bahda Waayaha.net waxaanu Marxuumka Alle uga baryeeynaa naxariistiisii jano, qoyskiisii, ehelladiisii, iyo guud ahaan dadka uu ka baxayna sabur Alle ha ka siiyo.