Dhahar(WNT)-Wararkii ugu danbeeyey ee aan ka helayno gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ciidamada Puntland heegan la galiyey, iyadoo ay saaka aroortii hore ciidamo dheeraad ahi oo ka yimi Bosaaso ay soo gaareen magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan isla markaan difaac ka galeen dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed ee magaalada ayna xireen jid cadayaashii ka iman jirey Booda Cade, Xingalool iyo Buraanba.
Ciidamada oo ku hubeysan baabuurta Gaashaaman ee dagaalka ayaa sidoo kale waxaa lagu amrey iney difaacaan magaalada Dhahar oo ay duulaan ku yihiin ciidamada Somaliland oo hawdka soo marey isla markaana soo doc maray wadada Xingalool-Dhahar.
Waxaa xusid mudan in ciidamada Somaliland ee Sanaag iyo Haylaan kusoo wajahan ay yihiin kuwo lasoo abaabuley una socda inay colaad ka abuuraan deegaanka, sida aan ku heleyno warar ka ka imaanayaa Ceerigaabo waxaa iyana jira ciidamo lagu diyaarshey Ceerigaabo isla markaana ku wajahan Hadaaftimo iyo Badhan ay wadaan oo hor boodayaan Gurey Cismaan iyo Cabdixakiim Wahaabi.
Ciidamada Somaliland oo markii hore soo galay Magaalada Shinbiraale ee Gobolka Sanaag ayaa isaga baxay kadib markii ay cadaadis kala kulmeen dadka deegaanka oo ka biyo diidey codeynta Doorashooyinka degmooyinka Somaliland iyadoo Shinbiraale ay hoos timaada Degmada Ceerigaabo.
Sidoo kale ciidamadan wada Sanaadiiqda codbixinta ayaa waxaa loo diidey iney galaan Damala Xagare, Dawaco, Carmaale, Ceelbuh iyo Xingalool isla markaana ay dadka deegaanku si qayaxan u diideen iney soo galaan deegaamadooda iyadoo dhamaan magaalooyinkaasi ay dadka deegaanku isu diyaariyeen iney dagaal kala hortagaan ciidamada ka yimid Hargeysa.
Ciidamada daraawiishta ee Puntland ayaa sidoo kale waxaa la geeyey Kab-Gubataale oo ku taala wadada Ceerigaabo, Hadaftimo isla markaana goob istaraatiji ah iyadoo ciidamadaas uu hogaaminayo Col:C/llahi Cumar Cashuur, taliyaha ciimada Daraawiishta Puntland ee Sanaag.
Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Sanaag, Mudane Maxamuud Ismaaciil ayaa si weyn uga digey hagar daamada Soomaaliland iyo abuurida qalalaasaha iyadoo gudoomiyuhu intaasi in geeridu dhibeyso ninka dhoofka ku yimi,waxaanu caddeeyey in dhamaan gobolka Sanaag looga diyaar garoobey dagaal iyo is difaacid.
Xafiiska wararka Waayaha.net