Annagoo ku hadlayna magaca guud ee wax-garadka Jaaliyadda Puntland ee ku nool magaalooyinka mataanaha ah ee St. Paul iyo Minneapolis, waxaan aad uga xunahay wixii maalmihii la soo dhafay ka dhacay magaalada Qardho, waxaana Alle ka baryeyna inay intaas ku ekaato, isla mahrkaasna waxaan ugu baaqaynaa dadka ku dhaqan gobolada Puntland inay ku mintidaan wax kastana ka hor mariyaan midnimada iyo dhismaha maamulka Puntland, isla markaasna aysan cidna ka yeelin wixii wax loogu dhimayo dhismaha maamulka ummadda ay samaysatay.
Nabadda ka jirta Puntland Allaah baa mahad ku leh, waa nicmo lagu xamdiyo Allana lagu sugo, waxaa garan kara nicmadaas qiimaha ay leedahay ninka aan maanta haysan, annaga ahaan inooma muuqato nicmada qiimahaas leh wax lagu bedelan karo oo loo burburiyo.
Waxaan aaminsannahay in aysan jirin cid kaaftoonta marka Alle laga reebo, waa hubaal in helayo qof wax un tabanayo, laakiin wax kasta waa inay hoos yimaadaan nidaamka ay ummaddu dhigatay annagoo waliba ku ammaanayna maamulka Puntland iyo ciidammada amniga dhaqankii wanaagsanaa ee ay muujiyeen marka la eego wixii ka dhacay magaalada Qardho oo ay dad badan oo nacab ku ah umadan runtii aad ugu farxeen, annagoo waliba aad uga xun cid kasta oo ka mid ah dad-weynaha oo qalalaasahaasi ay dhibaato ku soo gaartay.
Tan kale waxaan la dhayalsan karin arrimaha ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho, dareen weyn iyo dhiilana ku ah guud ahaan horu socodkii la filayay ee hanaanka nabadda ee dalka, sidaa aawgeedna xaaladahaas daraadood Puntland ma qaadi karayso fowdo iyo qas wax yeeleeya ama xagal daacin ku noqon kara ammaankeeda iyo xasiloonideeda.
Mar kale, annagoo ku hadlayna magaca guud ee wax garadka jaaliyadda Puntland ee ku nool magaalooyinka mataanaha ah waxaa sidaas oo kale cadaynaynaa inaan taageersanahay talaabooyinka dimuquraadiyeynta ah ee ay wado dowladda Puntland (Puntland Democratization Process) kaasoo aan rumaysannahay in la gaaray xilligii lagu dhaqaaqi lahaa lana dhamays tiri lahaa.
Annagoon cidna ugu eexanayn isla makaasna aysan innagu jirin inaan cidna kaga eexanayno waxaan rumaysannahay in barnaamijka ay dowladu wado uu yahay mid qaynuun ah sharciyeyntiisa ay ka qayb qaateen Odayaasha dhaqanka ee deegaannada Puntland, Golaha SHacabka Puntland, iyo Wax-garadka iyo Aqoonyahannada Puntland, waxaana xusid mudan oo aan marna la ilaawi karayn doorkii wax ku oolka ahaa ee uu ka qaatay Alle ha u naxariistee Marxuum Dr.Cabdi Xasan Jimcaale.
Waxaana si cad ugu baaqaynaa dad-weynaha reer Puntland inay taageeraan hawlaha dimuquraadiyeynta ee dowladu wado, sidaasoo kalana dowladda waxaan ku dhiiri gelinaynaa kuna ammaanaynaa inay hawsha ay bilowday ee qiimaha badan ay halkaas ka wado iyadoo maanka lagu hayniyo in hawshani ay tahay bilowga aayaha ummadda ku dhaqan Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya.
“Alle Wanaagga Ha Ina Solonsiiyo.”
St.Paul/Minneapolis, November26,2012.
Ismaaciil Xaaji Warsame
Caaqil Cali Faarax Gar-cadde.
Nabad-doon Cabdullaahi Cali Barre
Caaqil Max’ed Axmed Nuur (Jab-DHurwaa)
Cabdulqaadir Yuusuf Ismaaciil
Nabad-doon Jaamac Ciise Gaab
Nabd-doon Axmed Max’ud Faahiye (Axmed-Qarmaad)
Cabdi_Razaaq Diihaal
Jamac saciid Ali
Xuseen Saalax Cigaal.
Faarax Cilmi Ciise (Faarax-Dalab)
Cabdi-Razaaq Cabdullaahi Jaamac (Jano-Gale)
Axmed Cabdulqaadir
Ciise Waraabe
Mustafa Sh. Xassan
Cabdul-Maalik Max’ed Cali
Cabdi-Rashiid Jaamac Jibriil
Tarabi Cabdi-Raxmaan.
Max’ed Yuusuf Ismaaciil
Abdirahman Qaaje.
Cabdi-GHani Sooyaan
Abdullaahi Ali Guuleed.
Idil Cabdullaahi Caagane.
Cabdullaahi Max’ed Xuseen
Saleebaan Max’ed Cabdulle.
Caasho Axmed Cali.
Axmed Sciid Xaaji
Yusra Cabdi-Razaaq
Abdirahman Diiriye Cabdi.
Cabdi-Razaaq Jaamac Muuse.
Farxan Gay-gay.
Cabdul-qaadir Axmed Xaaji
Max’ed Cali Cabdulle (DHagoole)
CabdulQaadir Warsame (Cadde)
Cabdi-Salaan Max’ed Geelle.
Max’ud Saciid Ciise
Farxiyo Xasan Xalwo
Cali Maxud Nuur (Cali-yare)
Cabdi-Rashid Faarax Musse
Cabdul-qaadir Yuusuf Xasan