26 November 2012
Dowladda Puntland waxay si kulul u cambaaraynaysaa gardarrada qaawan iyo isbalaarinta Somaliland kusoo qaaday qeybo ka mid ah dhulka Puntland, iyadoo ciidamada Somaliland ay gudaha usoo galeen deegaano horleh.
Dadka deegaanka oo aad uga caraysan duulaankaan soo cusboonaaday ayaa kacdoon iyo mudaaharaadyo kala horyimid ciidamada Somaliland.
Horaantii bishan November 2012, isla ciidankaasi ayaa gaaray degmada Xuddun ee gobolka Sool, si ay dadka deegaanka ugu qasbaan ka qeybqaadashada doorashooyinka Somaliland.
Dowladda Puntland uma dulqaadanayso gardarrada qaawan ay Somaliland kusoo qaaday gobollada Puntland.
Dowladda Puntland waxay doonaysaa in ciidamada maamulka Hargaysa ay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan deegaanada Puntland, iyadoo talaabadaani militari ee Somaliland ay khalkhalgelinayso xasiloonida taasoo caqabad ku ah nabadgelyada Mandaqada.
--- END ---