Gaalkacayo (WNT)-Saddex qof ayaa ku geeriyootay kuwaasi oo ku dhaawacmay is rasaaseyn xalay fiidkii xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ku dhexmartay dabley hubeysan iyo ciidamada Booliiska Puntland.
Laba haween ah iyo hal ninka ayaa geeriyooday ka dib markii dhaawacooda la soo gaarsiiyey isbitaalka GMC ee magaalada Gaalkacyo adoo dhaawac halis ah uu ka soo gaaray is rasaasayntii xalay.
Waxa iyana weli laga daaweynaa dhaawicii soo gaaray laba qof oo iyana lagu daweynayaa Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug, labadaasi ruux oo dhaawacyadoodu culus yihiin,iydoo wararku sheegayaan ay ugu liidato haweeynay uur leh.
Dhimashadan iyo dhaawac ayaa yimid ka dib markii ciidamada Booliska Puntland oo baadi goobaya dad eedeysanayaal ah ay isku dhaceen dabley aan heybtooda ilaa iyo hadda aan la garayn ciidamada ku riday rasaas xooggan oo dadkan shacabka ahi ku dhinteen kuna dhaawacmeen.
Xafiiska wararka Waayaha.net