Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Cabdirashii Jabriil: Dir-diraale Sita Magaca Abwaan

Umad walba waxay leedahay dhaqan iyo suugaan ku saleysan noloshooda. Waxay leedahay waxgarad, abwaan, qoraa, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo dad ay ka shidaal qaataan, ahna dad si gaar ah loo ixtiraamo. Qayb ka mid ah dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida ee bulshada kala geeya ama ka dhex abuura midnimo waxaa ka mid ah maansooleyda, abwaanada, iyagoo isticmaalaya suugaanta.

 

 

Dadka Soomaalida waa dad af-ka-nool ah. Waa bulsho ay hagto maansada iyo guud ahaan suugaant afka looga hadlo, kana kooban gabay, heeso, buraanbur, jiifto, geerar iyo  in kale oo badan. Suugaanta waxaa loo isticmaalaa xumaan iyo wanaag. Waa sida seef laba af leh, oo hadba ninka ama naagta tirisaa ay sidii ay doonto u isticmaalo karto.  Gabayada iyo heesaha waxaa loo adeegsadaa kicinta, abaabbulka, dagaal-gelinta iyo isku-dirka bulshada.

 

 

Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa gabayadii dir-diraalaha ahaa ee Cali Dhuux Aadan; waxaan soo qadan maansadii dagaalka aheyd ee Alle ha u naxariistee Khaliif Sheekh Maxamuud uuga isaga celinayey cadowgii ku kacsanaa bulshada Puntland, isagoo isticmaalayo suugaan kicin iyo dhiirigelin ah.

 

 

Waxaa xusid mudan abwaanimadu iyo maansada/suugaanta inay leedahay sharci iyo qawaaniin la raaco, balse qofka aan abwaan dhab ah aheyn ama aysan u kala cadeyn sharciyada iyo qawaaniinta suugaanta wuxuu dhex dabaashaa bad wada dhiiga, waa sida hadda ka muuqata falka uu ku kacay walaalkay “abwaan” Cabdirashiid Jabriil

 

 

Haddaba nin la yiraahdo Cabdirashiid YuusuJibriil ee sheegta ama sita magaca “Abwaan,” una muuqda nin d’a yar aadna moodo inuu ku helay magacaas hab malaha aan ka fogeyn bililiqeysiga maanta ka jira Soomaaliya, sida waxaad maqleysaa “DR., Professor..Janaraal,” oo inta badan ku saleysan buf iyo been aan sal laheyn. Waxaan abwaanimada uu sheeganayo Cabdirashiid Jabriil ku beeninayaa isagoo aan aqoon sharciga iyo aqoonta suugaanta.

 

 

Isku Dirka Dowladda Puntland iyo Bulshada

Waajibka saaran qofka abwaanka ah waxaa ka mid ah inuu ka fogaado isku dirka iyo isku dhaca bulshada, isagoo isticmaalayo suugaan sumeysan, laakiin walaakay Cabdirashiid wuu ku guuldareystay taas. Wuxuu abuuray hees uu ula danleeyahay inay isku dhacaan bulshada iyo dowladda Puntland, gaar ahaan beelaha Qardho iyo Garoowe.  Wuxuu xoqay, oo kacshay dareenka dadka u dhashay gobaladaas taasoo abuuri karta isk-hor-imaad, weliba gacan ka hadal ah. Mar hore wuxuu iska hor-imaad ka bilwoday qurbo-joogto Puntland, oo aan waxba isula harin, salna ay u tahay ereyada sumeysan uu ninkaas ku faafiyey Youtubka iyo baraha internetka. 

 

Cafis iyo Saamax

Qofka bina-aadamka ah waa gafaa, laakiin gafka wuxuu ka bixyaa cafis iyo saamax inuu weydiisto umada uu qaladka ka galay.  Ninka sita magaca “abwaan” ee la yiraahdo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil hadalada suntan ah ee dir-diraalaha ah, oo uu ku faafiyey mareegaha internetka, waxaan u soo jeedinayaa, waa inaad dowladda iyo bulshada reer Puntland aad weydiisataa cafis iyo saamax (apology). Waa inaad si geesnimo leh, intaad hortagto bulshada aad cafis weydiisataa bulshada aad ka dhex abuurtay qalalaasaha, adigoo u maray suugaan ama hadal.

 

Waa maanta Qardho waxaa laga furay xabsi qurux badan, oo ay weliba wafdi sharaf leh ee ka socda qaramada midoobay ay goob jog ka ahaayeen. Ninka ragga wuxuu qiime iyo qaaya leeyahay markuu gef geysto, inuu raalli-gelin ka bixiyo. Waa adiga iyo ragnimadaada.

 

 

Fahad Sheekh Macalin

Siyaasi2012@yahoo.com

 

 *Fiiro Gaara ah:Qof kasta xaq buu u leeyahay inuu AQOON, XOG iyo TALO gaarsiiyo dad-weynaha ama uu celiyo  JAWAAB.  




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software