War dhowaan aan ka helnay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in caawa fiidkii ay halkaas ku dhaawacmeen labo qof oo ka mid ah shacabka magaalada ka dib markii ay ciidammada boliiska Puntland oo hawl gal xagga ammaanka ah ka wada xaafadda Gar-soor ee magaalada Gaalkacyo ay halkaas isku xabadeeyeen koox hubaysan oo aan haybtooda la garan.
Ciidammada ammaanka ayaa hawl galkooda ku qabqabtay dad faro badan isla markaasna u dhaadhiciyay xabsiga, labada qof ee dhaawacu soo gaaray oo midkood haweeneey ahayd iyo nin dhalin yaro ah ayaa sida la sheegay hadda dhaawacooda lagu dawayniyaa isbitaalka guud ee gobolka, inkastoo dhaawacoodu sida la tilmaamayo uu yahay mid aad u culus.
Sida warar mar dambe soo baxay ay tilmaamayaan kooxdaan ayaa waxaa ay magaalada soo gaareen dhowr casho ka hor iyagoo sida waku tilamaamyo ay kooxdan halkaas u yimaadeen inay halkaas ku soo dhoweeyaan ninka sida aadka ah wax uga sheegay madax-weynaha Puntland ee lagu magacaabo Cabdi-Raxmaan Gablax oo isaga sida lagu wado dhowaan booqanaya magaaladaas, Gablax ayaa hadda ku sugan magaalada Qaahira ee dalkaas Masar.