Muqdisho(WNT)-Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in cunno-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay caqabad ku tahay horumar laga gaaro dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Fiqi ayaa intaa raaciyey in xukuumaddu aysan lahayn awood ay kula dagaalanto Al-shabaab, isagoo sheegay inay QM ka dalbanayaan in cunno-qabteynta hubka laga qaado Soomaaliya si ay u suuro-gasho in dalka oo dhan laga saaro kooxda ay dagaalka kula jiraan.
Ururka Al-shabaab ayaa ciidamada dowladda iyo AMISOM dagaal kula jirta ayaa sannadkan horraantiisii sheegtay inay ku biirtay shabakadda Al-Qaacida, waxayna weli gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ku yaalla Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.
Wasiirka gaashaan dhiggu wuxuu intaasi raaciyey inaan xal loo heli karin dhibaatooyinka ka taagan gudaha Soomaaliya haddii aan cunno-qabteynta hubka la qaadin.
Wuxuu sheegay inuu doonayaan inay xoojiyaan ciidamada qalabka sida ee dowladda si ay awood ugu helaan inay iska difaacaan weerarrada kaga imaanaya ururka Al-shabaab.
Cunno-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo rogay sannadkii 1992 ka dib markii ay dalka ka dhaceen dagaallo sokeeye oo dhiig badan ku daatay, iyadoo golaha ammaanka ee QM ay ku qaybsan yihiin in cunno qabteynta hubka laga qaado Soomaaliya.
Xafiiska wararka Waayaha.net