Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Isku dhaandheynta Golaha Wasiiradu ma habar dhali wayday Aleelo ku waalataybaa?.

Isku dhaandheynta Golaha Wasiiradu ma habar dhali wayday Aleelo ku waalataybaa?.

Dowladda Federaalka Kumeel gaarka ee Soomaaliya ayaa ahayd mid ka dhalatay shirkii labada sano ka soconaayey Xarunta Dalka kenya ee Nairobi, iyada oo shirkaas lagu Casumey dadkii la is lahaa waxbay ka badali karaan Amaan darada wakhtiga dheer uu la ildarnaa inta badan Dalka Soomaaliya, maadaama ay laftigoodu ahaayeen (waa ka qeyb galayaashee) kuwii sababta ama udub dhexaadka u ahaa Fowdada iyo kala danbeyn la'aanta ka jirta Dalka Soomaaliya.

Miisaanka kale ee wax lagu qiyaasayey ayaa ahaa cad qeybsiga afar iyo badh, iyada oo haba yaraatee aan loo fiirin aqoon xirfadeed, ammaano, masuuliyad iyo waliba (Back ground) oo ah in dib loo akhriyo ama loo tixraaco taariikhdii iyo hab dhaqankii qofkaasi uu lahaa, waxaana la oran karaa waa midda ahmiyadda kowaad la siiyo marka laga hadlaayo Siyaasada iyo hogaaminta bulshada.

Waxaa iyaduna aan meesha ka marneyn fara galinta shisheeye oo marnaba iyagu aan ka heshiin siyaasad ahaan arinta Soomaaliya, isla markaana dowlad kastaa ay wadato Siyaasad gooni ah iyo dano gaar ah oo ay ka leedahay Dhulka hodonka ah ee Soomaaliya, taasoo qeyb weyn ka ah daganaansho la'aanta ka jirta Dalka Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ee dhibban ayaa rajo fiican ka qabay inay kaabo gasho Dowladdaas wakhtiga dheeri ku baxay, isla markaana waxaa farxad iyo rey reyn laga dareemay Soomaalida ku dhaqan Daafaha dunida gaar ahaan kuwa dhibku sida tooska u taabanayo ee ku nool gudaha Soomaaliya ama qaxootiyada ku ah xeryaha qaxootiga ee ku yaala dalalka dariska la ah Soomaaliya, iyaga oo garanaaya dadka meesha fadhiya oo xalka Soomaaliya laga sugaayo kuwa ay yihiin.

Laakiin waxaa in badani Candhuuftooda dib u liqeen kadib markii ay Dowladu caga dhigeyn wayday isla markaana uu soo wajahay khilaaf iyo kala qeybsanaan ba'an, halka kuwa ka mid ahaa Dowladda ay dib u galeen dhufeysyadoodii kuwa kalena ay ku kala aragti duwanaadeen arimo badan oo muhiim u ah jiritaanka Dowladeed.

Wakhti dheer ayay qaadatay in Dowladii ay si habsami ah dalka uga shaqeyso, taasoo marar badan kaliftay in wax laga badalo hab dhismeedka golaha Wasiirada oo badankooda lagu eedeeyey inay howlohooda gudan waayeen amaba ay lunsadeen Dhaqaalihii dalka intii ay gacanta ku hayeen, taasoo dad badani ay ku tilmaamayaan inay la mid tahay " Habar dhali wayday Aleelo ku waalatay"

Aqoonyahanka soomaaliyeed iyo kuwa caalami ah ayaa marar badan ku celceliyey in xalka Soomaaliya uu ku jiro gacmohooda iyo in laga daayo faragalinta shisheeye, maadaama shisheeyuhu uu ka leeyahay Soomaaliya dano gaar ah, taasoo aysan jirin tixgalin badan oo la siiyey.

Maanta oo Dowladdu ay gacanta ku hayso intii badneyn Dalka Soomaaliya isla markaana heshay taageero milatari oo adag ayeysan wali muuqan saansaan nabadeed iyo Dowlad qaran oo soo celisa kala danbeyntii iyo qaranimadii Soomaaliyeed inta hadba la isku dhaandheynaayo ragga lagu tuhunsa yahay amaana darada iyo shaqo xumada, waxayna u eg tahay " Jug Jug meeshaada joog", mar hadii aan raggaas lagu badaleyn rag buuxiya shuruudaha laga rabo inuu lahaado qofka umadda hogaaminaya.

Waxaa la sheegaa in nin aan sidaas Salaadda u aqooni uu maalin kasoo qeyb galay Salaad Ciid ah,Wuxuu la yaabay Allaahu akbarta lagu celcelinaayo markaas ayuu yiri "War Salaadu Xagee iska qabsan la'dahay" hadaba Dowladda maxaa u diiday inay baaritaan ku samayso meesha wax iska qabsan la'yihiin oo khaladku ku jiro si xal waara looga gaaro arinta Soomaaliya. 

Said Samatar

ssurcad@yahoo.com

Enköping,Sweden.

 




   
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software