Waa naf qool is gelinaysa oo gacmaheeda ku tidcaysa xadhiggii cunaha kaga roori lahaa. Naf suuldaaro isla beegsanaysa. Naf iyadu is gunaanadaysa! Awelba barako darradeeda waxa ku baaqayey oo toosh “lix xajaar qaad ah” ku ifinayey u iilashadeeda askarta Tigreega ee ay wehelka ka dhiganayso iyo ka irdhowgeeda kasbashada kalsoonida dadkeeda dawlad la’aantu jaanjaantey!
Dawladda meel-ku-gaadhku iyadaa is jebinaysa. Lugteedaa jeeniga dhaafsan. Cid kale ma eersan doonto. Iyadaa la gurguuranysa wixii dumin lahaa oo dhan. Siyaasadda ay adeegsanayaan kuwa dawladdaas hor socdaa waa “indhoole hagaya indhoole kale”! Gobol kasta iyo tol kasta waxa kaga soo gurmaya intii laga inaabsaday ee u noolayd qancinta tabashada caloolahooda ma dhergaanka ah; intii aan muraadka iyo danta ka lahayn dal iyo dad sida aanay madaxdooda sar sareba danta iyo muraadka uga lahayn mas’uuliyadda xilalka ay sheeganayaan hayntooda.
Isir raacu waa u indho iyo iftiin ay ku hirtaan. Ehel kale ma yaqaannaan. Aqoontu waa u nactooyo. Waa xigtaysi indha la’ oo xaaraan ah si la mid ah kii lixdanaadkii xorriyadda ka dib Soomaalida asqaysiiyey ee indho tiray, xilligii kacaannimadana dib u soo fuf baxay ee burburkii dhacay qaybta muhiimka ah ka ahaa.
Bal eega waxay cagta ku hayaan tubtii halaagga ee hore loogu halligmey: Xoog, jujuub, handadaad iyo kelitalisnimo waalli ah. Madaxtooyaday jecel yihiin mana yaqaannaan! Milgaha madaxnimadaa ka maqan. Xilkasnimadu agtooda waa ka dayro. Uma oggola saaxadda maskax kasta oo macquul ah iyo feker kasta oo xor ah, kana madax bannaan qudhunka iyo qashaabiirka la walaaqanayo. Muxuu galabsaday ee loogu dawgalay Shariifkii Barlamaanku? Maxaa loogu duurxulayaa xubnaha Barlamaanka ee Djabuuti ku sugan, kana wayiigey ee dareenka xooggan ka muujiyey gelitaanka Tigreega ee Soomaaliya iyo la wareegiddooda taladii ummaddu lahayd?
Xiniinyaha xaggee buu Col. Cabdullaahi Yuusuf kala soo baxay marka uu maanta ku dhololayo shirka dib u heshiinta soomaalida ee uu leeyahay waa inuu ka dhacaa dalka gudihiisa? Amar dawlo muddeec; ninka diida dabbaal! Dhawrkii sannadood ee uu Baydhabo fadhiidka ku ahaa muxuu shir dib u heshiineed u naadin waayey? Waa gardarro maanta garab og! Itoobiyaanka ayuu u haystaa in sidii berigii SSDF ay u cabiidin doonaan nin kasta oo ta uu isagu doonayo ka biyo-diida. Waxa uu doonayaa in ragga ka soo horjeeda qaarkood loo xidh xidho, qaarkood kalena xitaa loo laayo oo birta looga also sidii horeba loogu deeqay. “Bahal caydhin ma daayo; ninna caaddi ma baajo”. Wanjalaadda iyo shirqoollada dilku duqa way u fudud yihiin, awoodda Tigreegana isku hallayn weyn ayuu ku qabaa, waxaana intaas u dheer marmarsiinyaha Al-qaacida iyo qorshayaalka loogu yeedho argagixiso la dagaallanka ee sida dharka xaraashka ah suuqa “ku-dhacda” laga iibsado!
Hubaashii Soomaaliya maanta aad bay ugu jilicsan tahay nabadayn dhab ah iyo dib u heshiisiin macno iyo muunad leh. Nabadayn aan u faruur xidhnayn afhayeenno shisheeye. Dib u heshiisiin aanay ka dambayn xoogag ajanebi oo leh qarad iyo muraaddo gaar ah. Dib u heshiisiin aanay mindida daabkeeda haysan keliya labada midiidin ee Col. Cabdullaahi iyo Prof. Geeddi. Nabadayn iyo dib u heshiisiin doorka dadka ka timaadda oo kooxaha oo dhami u siman yihiin; wadaad iyo waranleba. Heshiis hoosaad kasta oo dhex mara kooxo siyaasadeed iyo shakhsiyaad gaar ahi ma dhali doono midho la wada gurto iyo gogol nabadeed oo dhab loogu wada naalloodo ku dingiigsigeeda. Nabadi iyadu nicis ma leh, waxaase caqli xumo ah in la isku dayo in dadka laga iibiyo sheeko “ma dhalays ah” iyo siyaasad “gacan ku rimis ah”! Somaliland ayay soomaalidu ka baran kartaa hannaanka geeddi socodka dhaladka ah ee nabadaynta iyo dib u heshiisiinta aan dhalanteedka ahayn ee dhabta ah.
Meel xoog iyo is muquunini ka hanaqaadayaan uma baahna wada hadal ee waa ama “kii roonow reerka u hadh” ama waa in jujuubka dib looga tanaasulaa. Soomaaliyi qoriga caaradiis ku kala xoog weynaan kari weydey. Garaadkase lagu kala adkaayey oo waxa gol roonaaday ninkii helay kalsoonida dadkiisa. Sh. Shariifka Maxaakiimta iyo Geeddiga Baydhabo waa laba qoodh iyo xeraale oo tol ka soo wada jeeda, kuna kala mudan magaalada Muqdisho iyo soomaalida kale dhexdeedaba ee bal taana ogaada! Awood shisheeye oo daba la geliyaana isku hallaynteedu waa ku-meel-gaadh. Sidaas darteed haddii uu hadaaqa nabadeed dhab yahay waa in dhulka cagaha la soo dhigaa. Indhaha hoos loo soo rogaa. Waa in dalka laga saaraa shisheeyaha ku soo duulay, waana in laga faa’iidaystaa khaladaadkii faraha badnaa ee la soo dhex jibaaxay nus qarnigii u dambeeyey.
Raad arooryo dib looma raaco. Caqligii lixdankiina maanta iib gelimaayo. Ku quuso qudhaanjooy! Dunidu maaha tii lixdameeyadii. Casrigu maaha kaas, dadkuna maaha kii! Wax badan baa is beddeley, waxana loo baahan yahay aragti iyo aqoon la jaanqaadi karta isbeddelkaas oo sida muraayadda la iska dhex arki karo. Haddiise ay qolyaha meel-ku-gaadhka ahi sidaas gurracan talada u sii maroorsadaan waxa ay noqon doonaan doqommo ka sii doqonsanaan doona doqonniimadooda maanta, garkii (xadhiggii) lagu laba diblayn lahaana xusulladooda ayay ku sitaan oo iyagaa gacmahooda ku tidcanaya! Doqoney dabkaa; dumug noqoy waqaa! Caqligii lixdankii muuggan ciidamin maa!
Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com
Maqaalkani ka turjumi mayo shabada Wararka Waayaha.net