Inta la hadal hayey in ciidamo loo diro soomaaliya waxaa mar walba la isla soo
qaadayey in wadamade afrika ee ka hooseeya saxaraha ama Afrikada Madow ay ciidamo soomaaliya xasiliya ku yaboohoon, laakiin marnaba la islama soo qaadin in wadamada Afrikan-Carab ee aynu diinta iyo dhaqanka wadaagaanaa ay ciidamadooda Soomaaliya geyaan ama ay ugu yaraan kuwa kale ee afrika ee la geynayo ku dhafaan.
Hadaba maadaama aan in badan aan dhulka carabta joogey aana dhegeystey in badan iyagoo ka faaloonaya arimo badan oo soomaalida khuseeye bal aan yara taabto sida carbatu Soomalida guud ahaan u arkaan, aana ku bilaabo Masar oo ah ta carbta ugu weyn aynuna isugu dhoweyn, beri samaadkii.
Marka Masar laga hadlayo soomaaliya waa meel faqri diloodey oo marwarlab gaajo iyo abaaro ka jiraan, indhahooda soomaalidu waa meel aan majaacada iyo diihaalku ka dhamaan. Waxaana tusaale inoogu filan filimkii "Yoomiyaat Waniis ee uu wadey fanaanka weyn ee Masriga ah ee layiraahdo Maxamed Subxi kaasoo arkay caruur masaari ah oo raashin badan u daadinaysa daayeero meel beer ah (Zoo) ku xeraysan, markaasuu intuu ku xanaaqay ku yiri "Caruurtii soomaaliyeedna Gaajay u dhimanayaan idina daayeeraad cuno siinaysaan"!!!...............
Nin jamaal Fatxi la yiraaho oo Masri ah oo aanu meel kawada shaqaynayney ayaa maalin igu yiri waxaa kuu sheegayaa sheeko aad ku qososho, markaasaan iri haye bal wad -waxuu yiri Soomaaliyaa ayaa loodiray shixnay Daawo ah oo deg-deg ah laakiin nasiib xumo soomaalidii way soo celiyeen dawadii - mataqaan waxay u soo celiyeen, markaasaan iri may, waxaa dawadan la cunaa marka raashinka la cuno kadib soomaaliduna raashinba ma haystaan....markaa dawadani anfici mayso.
Intaan neef weyn dib u ceshadey ayaan iri ma u malaysaa in soomaaliya ay ku nool yihiin in ka badan 20 million oo Ari ah 10 million oo Geela, inka badan 8 million oo Lo' ah, ayna soomaaliya maraan laba webi oo aan go'in, ayna tahay wadanka afrika ee leh xeebta ugu dheer afrika oo dhan, beeraha iyo macdanta iyo Bitroolka iyo Gaaska dabiiciga iyo cimilada aan meel loodhigaa jirin ee ku haboon dalxiiska. Tirada dadka ee Soomaalidu marka labadiyo waa sagaal milyan.. sidee sagaal milyan oo intaasoo hantiya lihi ay u gaajoon kartaa?. Adigu waxaad ka timi Masar oo dadka iyo hantida wadanka leeyahay ay kala bateen, maxaad u malaynaysaa hadii dowlad la'aantii nasoo martay 15ka sano ay idinka sanad keliya idin qabsato...lama qiyaasi karo waxaad
samayn lahaydeen!!
Isku soo duuboo Carabtu waa dada aaminsan kala saraynta iyo is dulaysiga waxayna jecelyihiin in ay helaan cid tusaale xun u noqota oo ay ku hal qabsadaan, waxaana mararka qaarkood is iraahdaa Maxamed Siyaad Bare alle ha u naxariistee dambi uu galay oo kii Jamaacada Carabta uu inagu daray ka weyn ma jiro.
Dhinaca kale waxaan dhegaystey dood aqoonyahano Lubnaaniyiin ah loo qabtay markaasaa mid aqoon yahan sheeganayaa yiri "ma jirto ummad dunida ku nool oo ogolaan karta in wadankoodu fowdo iyo dagaal ehliya ku jiro Soomaalina ala haka dhigee"....Micnaha soomaali cid ka liidataa ma jirto.
Soomaaliyey waxaynu nahay Afrikaan, waxaynu degenahay geeska afrika, waxaynu leenahay deris iyo dad aynu ood wadaagnahay, majirto sabab aynu isugu dhedhejino dad aan ina aqoon oo inoo hasta waxaynaan ahayn, Carabna waxa keliyee inaga dhexeynayaa ha noqoto diinta....
Abdul Rahman Hariri" xariri@hotmail.com
Qoraaga maqaalkan ku saxiixan ka turjumi mayo shabakada Waayaha.net