Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Caashuuraa cashar qiimo badan iyo ujeedooyin ku qarsoon

(Saudi Arebia)-Caashuuraa maalinta qiimaha badan ayaa lagu xusuustaa sidii Nabi Muuse ilaah uga badbaadiyay badii ,lagu halaagay fircoon iyo kooxdiisii ,munaasabadaan ayaa Nebigu (SCW)jideeyey in la soomo mahad Celin alle awgeed, waana sunne soonku  sida xadiisku sheegayanana waxaa lagu dhaafaa dunuubtii sanadka ,waa maalin ay xitaa carabtii jaahiligu soomi jireen sidoo kale yuhuudu ay soomi jirtey,balse nabigu ummadan u jideeyey si loo muujiyo farxadaa iyo mahad celin sidiii ilaah ugu gargaaray maalintaa Nabi muuse ,yirina “anagaa uga mudan Nabi Muuse”waa maalin is xusuusin badan sidii ale yiri” Xusuusi maalmaha ilaahay “

 

Xusuus naxdin leh:

 

Isla maalintaa ayey ahayd maalintii ay dileen ciidamadii Yaziid Bin Mucaawiye,Xuseen Bin Cali Bin abii Daalib (raali alle ha ka noqdee)goobtii karbalaa halkaa oo dagaal ba’ani dhex maray xuseen iyo koox la socotay una badnayd ehehladiisii iyo ciidan xoog badan oo uu hogaaminaayey Cubaydulaah Bin Ziyaad, si fool xun ayaa lagula kacay wiilkii nabigu awoowga u ahaa ,madaxiisii na intii la jaray ayaa loo qaaday xaruntii umawiyiinta ee Dimishiq halkaa oo loo geeyey Yaziid bin mucaawiye.

 

Markuu ka baxayey madiina waxaa aad ula taliyey rag badan oo asxaabta ah waxaa aad ugu dheeraaday taladaa C/laahi Bin Cabaas oo ku yiri “ nimankaa reer ciraaq waxay kuugu yeerayaan ha dhagaysan aabahaa bey been u sheegeen, markii danabana dileen ,waa dad khiyaano iyo dhagar ee ha ku fududaan”waxaa nasiib daro noqotay sidii rag badan ka digeen nimankii u yeerayna oo waraaqaha iyo fariimaha ku wareeriyey uma soo gurman iskumana dayin inay difaacaan.

 

Maalin walba caashuuraa meel walbana karbalaa “waa halkudhiga ay qaadaan maantoo kale malaayiin shiicadaa iyagoo u baroor diiqaya dilkii Xuseen bin Cali iyagoo is xanuujinaya ama isjirdila sidii istunkii oo kale taasoo ay ku muujinayaan shucuurta baroor diiq ay u baroordiiqayaan Xuseen (RC).

 

Aargudida Xuseen.

 

Waxay eeda saareen dilkii Xuseen dhamaan Sunniga oo idil waxayna aargudidiisu tahay mid nin kastoo suniya lagula kici karo,ilaa taariikhda suniga dhib walboo ay u geystaan waxay ahayd mid ay ku macnaynayaan inay tahay aargudasho xumaantii ay kula kaceen ehelkii nabiga (SCW).

 

Baqdaad laba jeer oo afka ciida loo daray oo gaalo qabsatay waxaa sabab u ahaa oo u salaxay shiico mar waxay ahayd nimankii mangooliyanka ahaa ee la oran jirey (Tataar)markey qabsadeen baqdaad 750qarni kahor  kuwaasoo Baqdaad ku dilay sida buugta taariikhdu sheegayaan ilaa hal malyan oo qof xitaa magaaladii laga qaxay ur awgeed ,Ibnul Calqami ayuu ahaa wasiirka boqorkii kasoo maanta u dhigma R/wasaare ,ibnul calqami waxuu kala direy ciidnakii dawlada ilaa laba boqol oo kun in ka badan ayuu ruqseeyey hoosna wuxuu waraaqo ugu diri jirey Tataarka boqorkooda xitaa uu siiyey baaqii ay ku soo geli lahaayeen ,wayna soo galeen ayadoo taariikhdu weli xusto waxay u geysteen Baqdaad iyo dhamaan ciraaq.

 

Marka labaad oo baqdaad la qabsaday waa tan maanta maraykanku ku kacay taasoo ay u gogleen niman shiico ah ajendihii lagu qabsadayna ay lahaayenn niman uu ka mid yahay Axmad jalabi ,A/aziz Xakim,al-khaw’i iyo kuwo ku jirey dawladii Sadaam gudaheeda oo bixinayey sirta dawlada ,waana la ognahay inta ay dhan yihiin dadka ku dhuntay meeshaas ilaa iyo maanta inay boqolaal kun gaarayaan.

 

Waxaa iyana xusid mudan dhacdo kale oo iyana aad u xumayd ee ay kula kaceen sunniga mudo hore waxay ahayd markii ay ku soo duuleen xajka iyagoo dad badan oo xujey ah dilay horeyna u qaatay dhagaxii kacbada (xajarul-aswad)kaasoo gacantooda ku jirey ilaa 27 sano ilaa laga soo furtay kuwaasoo deganaa magaalada Al-ixsaa (bariga Sacuudiga)ahaana shiicada Al-qaraamida.

 

Inkastoo uu ahaa dilkii loo gaystay Xuseen bin cali raali alle ha ka noqdee mid fool xun uu ahaa ummadii islaankuna aad uga xumaatay hadana ma ahayn wax lagu eedeyn karo ummad badan waxaa eedaa iska lahaa mamulkii jirey iyo intii hawshaa fulisay,boroor diiqina waa wax diintu ka dayrisay  axaadiis badana lagaga hadlay.

 

Balse fiker aad u khaldan ayaa ka dhashay dagaalka iyo foolxumadii lagula kacay xuseen iyo dadkii la socday waxaana ka faa’iidaystay dad ku taamayey in islaamka gudaha laga burburiyo iyagoo qaba in loo qaybiyo kooxo markaa iyagu iska soo horjeeda si khilaafku u noqda mid dhaawaca ummada Islaamka,qaybiyana xoogooda iyo midnimadooda.

 

Al-Xaaji Fu,aad Eid

Waayaha.net,Saudi Arebiya




   
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software