Muqdisho(WNT)-Qaraxyo khasaaro gaystay ayaa xalay waxay ka dhaceen deegaanada Sanca, Siisii iyo Fagax kuwaasi oo loo adgeesaday Bumbooyinka gacanta laga tuuro islamarkaana lagu weeraray askar ka tirsan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxyadaas labo ka mid ah lala beegsaday saldhig ay lahaayeen Ciidamada dowladda KMG halka mid 3aad oo ka dhacay Xaafadda Fagax isna lala beegsaday guri ay ku suganaayeen Ciidamada dowladda.
Waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya inay jiraan dhaawacyo aan tiradooda dhab loo caddayn karin oo soo gaaray ciidamada dawlada FS.
Dhinaca kale dagaalo xooggan oo u dhaxeeya AMISOM iyo ururka Al Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka Kaaraan iyo Huriwaa ee gobolka Banaadir ,kaasi oo ay weerarkiisa lahaayeen isla ururka Al-shabaab.
Ilaa iminka lama oga inta khsaaruhu leegyahay i lagu dagaalamay ay gacanta ku hayaan Ciidamada DKMG iyo AMISOM, waxaana dagaaladaani ay qeyb ka yihin weeraro qorsheysan oo ay Shabaabku inta badan ka fuliyaan Magaalada Muqdisho.
Xafiiska wararka waayaha.net