(London)-Waxay dhalin karaan rabshadahaan soo kordhay ee lagu ibtileeyey Soomaaliya ,cabsi badan taasoo taabanaysa bulshada Soomaliyeed si joogto ah, Dagaaladii dhawaan ka dhacay koonfurta ee dhexmaray Dawlada oo ay kaalmaynayaan Itoobiyaanku ,iyo Maxkamadaha ayaa ah mid dheereyn karta dhibka ummad u riyaaqaysa Nabad iyo degenaansho. England iyo bulshada caalamku waxay rabaan in afgarad wax lagu dhameeyo si loo afjaro dhibkaa.
Soomaaliya iyo shacabkeedu waxay kala taagan yihiin jid kala duwan ,balse Madaxwayne Yusuf in badan ayuu qaban karaa ,Dawlada Englandna waxay u cadaysay si loo soo cesho hay’adihii Soomaaliya waa in dhamaan dib-u heshiisiin dhab ah lala yimaadaa taasoo koobaysa dhamaan kooxaha shacabka Soomaaliyeed,ma sahlana hawshu ,Dawladanina waa tan kaliya ee ay bulshada caalamku taageersan tahay ,waxaana anaga iyo bulshada caalamkuba ku booriney inay wada hadal ku dhameeyaan wax kasta taasoo waafaqsan tastuurka u yaala ,wayna qaatay dawladu talaabooyin ay kula shirtay khurtum Jabouti iyo Yemen Nairobi iyo Adis ababa, in kastoo ay ku dhamaadeen guul daro, waxaan dareemayaa in ay guul ku dhamayn doonto dawladu hawshaas inkastoo ay adag tahay .
Balse Xeerka ku meel gaarka ahi , iyo go’aankii QM tirsigiisu ahaa 1725 labaduba waxay muujinayaan in la helo ciidan nabada suga si ay hay’daha dalku hawshooda u gutaan loona soo celiyo nidaamkii iyo kala danbeyntii lana hirgeliyo sidii Soomaalidu iyagu isku maamuli lahaayeen .
Dabcan cabsi ayaa jirtay ciidanka Itoobiya laga qabo ,sidaan rabno ayna rabaan saaxiibadayada aduunku waa inay guuraan ciidanka Itoobiya laguna bedelo ciidan ka socda Afrika ,Itoobiya waxay cadasysay inay rabto inay dhaqso uga baxdo ,laakiin waa inyasan dhicin firaaqo ama iska guuris ah oo intaysan bixin la helaa ciidan Afrikaan ah ,gaar haan Yuganda way inay si dhaqso u keentaa ciidankeeda.
Baahida taagan ee dhabta ee shacabka Soomaaliyeed waa in ahmiyad la siiyaa ,waana taas waxaan rabnaa,Englandna ajendahay ugu jirtaa ,Wasaarada horumarinta aduunkuna waxay ahmiyad siin arinkaa ,waxaan u gudbinay anagoo u mariney hay’adaha aduunka xoolo dhan ilaa 20milyan oo ginni,haddana waxaan dirney ilaa 4milyan oo ginni,si wax looga qabto qaxootiga yimi Kenya ee Soomaaliya ka soo barakacay labada dalba waan u dirney ,sanadkan waxaa noo qorsheysan ilaa 21 milyan oo gini,inaan ku taageerno Soomaaliya .
Inbadan ayay dhibaato ka soo gaartay Soomaaliya fara gelin shisheeye kaasoo qayb ka ahaa dhibkii ka jirey meesha ,maanta waa inaan ka faa’iidaysanaa fursadan si Soomaaliya loogu soo cesho xerada aduunka iyaguna u noqdaan kuwa naftooda isu taaga isna maamula ,Ujeedada dhabtaa ee ay Al Qaacida ka leedahay waa inay sii huriso dhibka ka jira,waana qayb ka mida ajendahooda ah inay degenaansho la’aan ka dhaliyaan bariga dhexe iyo Africaba ,Al-Qaacidana ma kala jecla nolosha muwaandinka Soomaaliyeed iyo danahiisba,waxayna ka faa’iidaysanayaan ummadaa faqriga iyo jahligu wiiqay,waana wax lala yaabo inay dacaayadooda fidnada iyo dhib abuuraka ay ku fidiyaan dhulkaa.
Inbadan baa ka cabsi qaba muwaadiniinta in la waayo nabadii iyo hawlihii ay qabteen maxkamaduhu ,ayna ku saacideen hawshaa qabaa’ilku ,balse Madaxwayne Yusuf waxuu muujiyey dhiiri gelin markuu la shirey odoyaashii,waxgaradkii iyo hogaamiyaashii bulshada waana ugu tahniyadeynaynaa hawshaa.
Canaasirta wax garadkaa ee qunyarsocodkaa ee ku jiray maxkamadaha waxaan rajayn inay ka qayb qaataan waxqabadka iyo horumarka wadankooda waa inay la yimaadaan masuulnimo iyo sabir gacana ka siiyaan xukuumada kumeelgaarka ah siday nabada iyo horumarka kala shaqayn lahaayeen.
Soomaaliya waxay u baahantahay kaalmadayada ilaa mudo intuu iska dhisayo ,dhibka iyo fawdaduna noqonayaan arin lagu sheekeysto,Soomaaliland iyo Soomaaliya waa arin u taala labadooda si ay isula meel dhigaan ugana shaqeeyaan dantooda.
Ka tegi meyno shacabka Soomaaliyeed ,Fursadaana ka dhigi mayno mid farahayaga ka baxda.
Lord Triesman wasiirul-Dawlaha arimaha Dibada /qeybta Africa ee Ingiriiska
Xigasho/sh/awsat cadakii 20/01/07
Waxaa isku soo duba riday Al Xaaji Fu,aad Ciid