Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
BULUUGLEY YAA KA NAXAY

Wax lala yaabo ma'aha in qof ka tirsan gooni-goosatada Soomaliland la baxday uu sheego inuu neceb yahay calanka Buluuga ah ee xidigta shan geeska ahi dhexda kaga taal, laakiin weli ma aan maqal cid ku dartay weedha ah “..Markaan Arko Waa Naxaa..”Ka daroo dibi dhal.
 
Aniguse dooni maayo inaan is gaabiyo oo aan wax ka idhaahdo waxa Ina Cali Waraabe ka soo burqadanaya ee aad moodo inuu ka hadli jirey idaacadahii gumaadka dhiiri gelin jirey ee Ruwanda ee ka jirey sagaashameeyadii (Hate Radios). Laakiin waxaan doonayaa inaan kelmed iraahdo dadka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi ku dhaqan.
 
Waa marka hore e hadaad goosanaysaan oo aad isla ogoshihiin dhexdiina oo aad wax ku faaiidaysaan inaad Soomaaliya inteeda kale ka go'daan oo caalamka iyo Soomaalidu idinla ogol yihiin, waa xaq sharci ah inaad gooni isu taag dalbataan laakiin waxaa waajibku yahay inaad soo martaan dariiqada saxda ah ee la mid ah tii la maray markii la midoobey, hadiise la damco in colaada la sii kordhiyo oo Soomaaliya oo dhan lala hardamo waxaa imaanaysa in waqooyigu goosina waayo joogina waayo waana dembiga ugu xun ee shacabkan dhegaha-nugul laga galo.
 
Dhinaca kale Iyadoo aynu ognahay heerka musuq maasuq iyo maamul xumo ee goboladan ku habsadey oo ay ugu dambeysey fadeexadii Sulub iyo Haatuf, waxaan shaki ku jirin in inta yare ee danaha khaaska ah ku qabta nidaamka aqoonsiga waayey ay doonayaan in dadka reer waqooyiga ah ay dhexdooda iska horkeenaa walaaladooda koonfureedna ay fidno dhex dhigaan si ay iyagu danahooda u gaaraan.
 
Hadaba iyadoo laga soo gudbey xiligii jujuubka iyo isu talinta uuna qof walboo Soomaali ahi haatan indhaha ku hayo wixii baxaya iyo wixii soo gelaya Soomaaliya guud ahaanba iyo waqooyiga gaar ahaan, waxaa haboon in calanka Soomaaliyeed Astaanta u ah Shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaanba aan loo wax yeelayn si majaraha loogu sii hayo doonidan Soomaaliland loo bixiyey ee dakhalkeedii jabay ee ay muuqato in ay maalin uun u soo caariyi doonto xeebaha Koonfureed ee Soomaaliya.

Walaahu Aclam
Cabdiraxman Xariri
xariri@hotmail.com

Qoraaga maqaalkan ku saxiixan ka turjumi mayo shabakada Waayaha.net

 
 




   
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software