BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Intii la dhoobdhoobay dowlad-ku-sheegga ayaa waxaa Addis Ababa laga sheegay in “madaxweynuhu” yiri waxaan u dhashay Itoobiya! Ma fahmin wuxuu ka wado oo aan ka ahayn degaanka uu ku dhashay ayaa ah dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya la hoosgeeyey. Laakiin waxaa xusid mudan oo qof kasta yaqaan in waqtigii madaxweynuhu dhashay uu dhulkaas ahaa dhul Soomaaliyeed, cadowguna lagu wareejiyey ayna soo galeen waqtiguu dhashay kaddib.
Waxaan aamminsanahay in madaxweynuhu uu halgankiisa ku gabagabeyndoono Meles Zenawi oo Soomaaliya haysta. Waxaana filayaa in ay dad badan oo qabiil iyo si kale wax ku qiimeynjiray ay arrintaasi u caddaato mar dhow haddii Ilaah idmo. Ka warran, Soomaalida qaarkood sheegto mansab kasta sida wadaad, aqoonyahan, qurbe-joog, IWM oo garanwaayey in taageerada ay siinayaan dagaaloogayaasha ay la mid tahay iyagoo gaalo iyo Meles Zenawi taakuleeyey? Marka bal nala arka wixii intaas oo sano la idin ka horjoogay.
Feysal Cali Waraabe muxuu ku galay calanka Soomaaliyeed? Waxaa jiray beri in nin inta niman salaad rabay hor istaagay uu imaam u noqday. Dadka ku dabotukanayey waxaa ku jiray nin majaajileyste/shactiroole ahaa. Ninkii imaanka ahaa wuxuu dhaafiwaayey ACUUDUBILLAAHI MINA SHEYDAANIRRAJIIM. Dhowr jeer kaddib baa kii shactiroolaha ahaa wuxuu yiri: sheydaanku dambi ma lahee waxaadan aqoon waxaad akhriso. Marka waxay ila tahay inaan calan Soomaaliyeed dambi lahayn laakiin waxaa meesha ku jirta in Feysal la’yahay wuxuu dadka u sheego. Keliya wuxuu arkey kuwii Mbagathi oo Itoobiya Soomaaliya keenay marka isna si uu Riyaale meesha uga qaado buu rabaa inuu gaalo iyo Zenawi tuso inuu yahay nin kasoo horjeeda Soomaaliweyn! Haddii la xuso inta qof ee Feysal Cali Waraabe la dhalatay ma ceeb baa ileyn waxa xiddigaha calanka ku xusan sheegayaan iney jiraan shan dad oo walaalo ah.
Haddaa la leeyahay afhayeenkii baarlamaankaa xilkii laga qaaday! Kolley anigu waan ku faraxsanahay in xilka laga qaado saa waa ninkii inta baarlamaanka shiriyey ogolaaday in qalinka lagu duugo in ciidamo Xabashi yimaadaan Soomaaliya.
Intaas oo sano ayaa niman badan waxay dooddoodii ka dhammaanweyday Carta iyo qabiil hebel baa saas yeelay marka intey saas leeyihiin wax shuqul ah kama lihin qaran Soomaaliyeed. Nimankey heysteen maanta ma joogaan saaxada ama qaarkood waxay ku biireen Mbagathi; marka maxaa iska bedelaya mowqifkooda?
Soomaali maahan qofkii wax u ogolaada nimanka gaarsiiyey waddankaas inuu sidaas noqdo. Marka Insha Allaah waxaa meesha ka baxay sheekadii iyo qabiilkii ay dagaaloogayaashu dadka ku maaweelinjireen waxaana bilaabmaya kacdoonkii shacabka oo sax ah marka qof kasta oo Soomaaliya ha diyaargaroobo haddii Ilaah idmo. Sidoo kale hala joojiyo in maalin kasta meel loo yaaco oo wax ha lagu taageero mabda’ iyo wax dan u ah diinteenna, dalkeenna iyo dadkeenna.
Bush iyo Zenawi waxay la tahay in ay Nuurkii Ilaahay damiyeen haddiiba ay dhowr wadaad midba meel u ceyriyeen. Taasi waxay tuseysaa caqli-xumadooda. Diinta Ilaahay cidna wax ma gaarsiinkarto xitaa haddii Soomaali oo dhan la laayo. Marka waxaan shaki lahayn in shacabku ay wanaag u hayaan maxkamadaha halka ay ka ceebeynayaan dadka ciiddii Soomaaliyeed cadowga soo gashay sidoo kalana calankii Soomaaliya gubey. Zenawi iyo Bush waxay leeyihiin: waan leynay ubaxiinii marka annaguna waan idin ka tageynaa marka ku noqdo qabiilkiinii iyo dagaal-oognimadii.
WABILLAAHI TOWFIIQ.
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU.
Maqaalakani ka turjumi mayo shabada wararka Waayaha.net ee waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan